Saxaafada Madaxa Banaan Oo Dhex Dhexaadinaysa Khilaafka Wasaarada Warfaafinta

0
230

Hargeysa (Waaheen) – Saxafiyiin is xil qaamey oo ka hawl gala telefishanada dalka ka Hawl gala ayaa waxaa ay dhex dhexaadin ka bilaabeen khilaafka wasaarada warfaafinta Somaliland.

Saxafiyiintan ayaa waxaa ay soo saaren qoraal ay kaga hadlayaan dhex dhexaadintan ay saaka bilaabeen iyaga oo aaney cidna dirsanin waxaana ay ku bilaabeen

” Anagoo ka kooban masuuliyiinta warbaahinta madaxa banaan ee somaliland waxaanu si iskayo ah iskugu xilqaanay inaanu xal u helno khilaafka mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa wasaarada warfaafinta somaliland una dhaxeeyay tiro suxufiyiin ah oo shaqada laga joojiyay iyo masuuliyiinta wasaarada warfaafinta.

Hadaba subaxnimadii hore ee saaka oo axad ah bishuna ay tahay 04-03-2018 waxaanu ku jarmaadnay xarunta wasaarada warfaainta somaliland oo aanu kulan masuuliyiinta wasaarada kula yeelanay.

Kulankaas oo ahaa mid adag waxaanu iskula gorfaynay xaalada 24kii suxufi ee shaqada la joojiyay iyo xal u helidooda.

Wadahadalkaasi oo saaka bilaabmay ayaanu rajo wanaagsan ka qabnaa inuu sii socon doono ilaa inta xal laga gaadhayo khilaafka sababay shaqo ka joojinta 24kaa suxufi.

Waxaana gudidan wariyayaasha ahi ay bilaabeen xal u raadinta khilaafka wasaarada hadheeyay. Iyagoo ujeedkoodu tahay in saxaafada madaxa banaani ka garami karto khilaafkan oo iyaga laftooda saameyn ku leh dhinaca kale ay bahwadaag yihiin.

Anagoo eegayga xaalada ay ku sugan yihiin suxufiyiinta somaliland, waxaanu arinkani ugalnay iyadoon xaalka suxufiyiintu ay marki horeba ay ahayd mid adag oo ay ku dhiiradeen inay duruuf kasta ugu adeegaan dalka iyo dadkooda inay arinkani saameyn kale ku yeelan karto.

Gudidan iskood isku xilqaamay ayaa kala ah:

1: Xamse Cali Bulbul Agaasime Kuxigeenka Hctv

2: Khadar Ciise Dheere Agaasimaha Saab Tv

3: Badri Koosaar Maxamud Madaxa Wararka Eryal Tv

4: Saleebaan Xaashi Agaasimaha Bulsho Tv

5: C/rashiid C/wahaab Xuseen Universal Tv

6 : Cismaan Axmed Cismaan Madaxa Wararka Star Tv

7: Faysal Maxamed Fifa Agaasimaha Somali Cable Tv