Baarlamaanka Somaliya Oo Mooshin ka Keenay Heshiisha DpWorld iyo Somaliland

0
287

Moqdisho (Waaheen) – Barlamaanka dawladda Somaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah  heshiiska lagu balaadhinaayo dekeda Berbera ee ay kala saxeexdeen Somaliland, Ethiopia iyo Dp World.

Qaar kamid ah xildhibaanadda Barlamaan ku sheega Muqdisho oo ka hadlay heshiiskaas ayaa sheegay in ay wadaan Mooshin ka dhan ah heshiiskaasi, iyaga oo sidoo kalena taageeri doona hadalkii ra’isal wasaaraha dawladda AMISOM-ta.

Hore ayay Barlamaan ku sheega Muqdisho u keenen sannadkii hore mooshin ka lamid ah,kaas oo ay markii dambe ku kala qaybsameen, iyaga oo dhexdooda ku dagaalami gaadhey, waxaanay arrintaasi meesha ka saartay Mooshinkaasi.

Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka faa’idi doonaan mooshinkan,marka laga reebo in ay gacmaha uun taagaan,madaama oo aanay awood u lahayn in ay joojiyaan Mashruuca Horumarinta Berbera.