Deg Deg: Dhamaan Shaqaaliihii Warfaafinta ee Cawday oo Shaqadii laga Joojiyey

0
278

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka wasaaarada warfaafinta Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo ayaa waxaa uu goor dhaweyd uu shaqadii ka joojiyey 24 wariye oo ka hawl gala telefishanka qaranka Somaliland .

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu shaqaalahan uu mushaharkii ka joojiyey muddo 3 bilood ah isla markaana waxaa uu amray in aaney shaqalahani soo gali karin xayn daabka wasaarada warfaafinta mudddaa 3-da bilood ah.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ayaa Shaqo joojintan iyo Ganaaxan ku Sheegay inuu u maray sifo sharci ah, Warqada uu wasiirku amarkan ku soo saarey ayaa lagu sheegay in loo maray xeerka shaqaalaha Somaliland