Boqorka Sacuudiga oo mar qudha xilalkii ka xayuubiyay Taliyayaashii ugu sareeya ciidamada

0
192

Sacuudiga oo ogolaaday in haweenka ay ku biiri karaan ciidamada

Sucuudi Arabia(Waaheen) Wareegto kasoo baxday Xafiiska Boqorka dalka Sacuudiga ayaa waxaa xil ka qaadis loogu sameeyay dhammaan Taliyeyaasha ugu sareeya ee ciidamada Sacuudiga.

Wareegtada Boqorka ayaa waxaa lagu qeexay in xil ka qaadista ay tahay mid lagu doonaayo isbedel dhanka amaanka ah, iyo in Hay’adaha ay sii maamulaan wajiyo cusub.

Wareegtada Boqorka ayaa soo baxday xalay saqdii dhexe waxaana xil ka qaadista lagu sheegay mid la xidhiidha fashil dhanka amni oo ku dhacay Taliyayaasha xilalkooda waayay.

Taliyayaasha Militeriga ee xilalkooda waayay ayaa lagu eedeeyay inay ka hoos dhaceen heerkii laga filaayay inay ku tirtiraan maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen, halka kuwa khuseeya Amniga gudaha ay si badheedha ugu fashilmeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ku sugan gudaha.

Sidoo kale, Boqorka ayaa lagu dhaliilay sida degdega leh ee uu xilka uga qaaday Taliyeyaasha Hay’adaha amaanka, xili ay Xuuthiyiintu ay qorsheynayaan weeraro gudaha ah.

Geesta kale, Talada xil ka qaadista Taliyeyaasha ayaa la xaqiijiyay inay lahaayen qoyska Boqorka oo iyagu u muuqda kuwo boholo kusii wada dalka Barakeysan.

Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa si rasmi ah u bilowday in ciidamada ay ku biiriso Haweenka u dhashay dalkaasi oo markii hore laga mamnuucay.

Qoraal mideysan oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in Haweenka ay ka faa’iideysan karaan fursadahooda.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Guud ee Amniga ayaa xaqiijiyay in haweenku ay hadda codsan karaan diiwaan gelinta darajada askariga.

Sarkaalkan ayaa sheegay in si loo aqbalo haweenka inay ka mid noqdaan ciidamada waa inay buuxiyaan 12 shuruudood, oo ay ku jiraan inay yihiin muwaadiniin Sucuudi ah.

Waxa uu Sarkaalka intaa ku daray in shuruudaha lagu qaadanaayo Haweenka doonaaya ciidanimada ay da’dooda u dhexeyso 25 illaa 35 sano.

Waxaa shuruudaha kamid ah in Haweenka la qaadanaayo ee buuxin doonta shuruuda, ay haystaan ​​waxbarasho dugsi sare, waana inay gudbaan baadhitaan caafimaad.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay shuruudaha in Haweenka is diiwaangalinaaya ay dheerarkoodu ahaado 155 sentimitir, iyo miisaanka ku habboon dhererka.

Dhinaca kale, waxaan codsiga gudbisankarin Haweenka u dhaxay kuwa aan u dhalan dalka Sacuudiga, haweenka horay loogu xukumay dembi, iyo dumarka horay uga soo shaqeeyay dawlada ayaan codsan karin inay ku biiraan ciidamada.