Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Si Deg-Deg ah Dubai ugu Safray + Ujeedada

0
366

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxaa uu safar

deg deg ah ugu baxay dalka Imaraadka isaga oo xalay fiidkii gaadhey magaalada Dubai

Safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu yahay mid uu kulamo la yeelan doono madaxda ugu sar sareysa shirkada maamusha dekada Magaalada Berbera ee Dp World.

Safarkan deg deg ah ayaa waxaa uu imanayaa xili ay wargeys-yada Hargeysa ka soo baxa ay maalintii shalay aheyd sheegeen in xukuumada Madaxweyne Biixi ay hakisay dhismihii saldhiga Military ee Imaaraadku ka wadey magaalada Berbera.