Beelihii ku Dagaalamay CeelAfwayn oo la isasoo Horfadhiisiiyey

0
98

Ceel Afweyn(Waaheen):-Xukuumada somaliland ayaa markii ugu horaysay is hor fadhiisisay beelihii ku dagaalamay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel Afweyn.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka arimaha gudaha somaliland, wefti xildhhibaano ah oo ka socday golaha guurtida, maamulka gobolka Sanaag, madaxda amaanka iyo xubno kale.

Kulankan oo warbaahintu dibada ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, kaas oo soo bandhigay qodobo ay xukuumadu ku xalinayso colaada labadaas beelood oo laysla gartay.

Ugu horayn badhasaab Tiimbaro oo ka hadlaya kulanka ka dhacay degmada Ceel Afweyn ayaa waxa uu yidhi “ Waxaanu iskugu yeedhnay labadii qolo ee ay ka dhaxaysay shaqaaqadii ka dhacday dararwayne iyo degmada Ceel Afweyn, waxaanan iskugu yeedhnay inay amarada xukuumiga ah iyo go’aamada ay ka doonayso guurtidii dhex dhexaadinaysay labadooda inaanu u sheegno.”

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodobada lagu heshiiyey ee ay labada dhinacba ogolaadeen waxaanu yidhi:-

Xukuumad ahaan waxa la faray oo lagu amray laga bilaabo maanta iyo maalmaha salaasada iyo arbacada inaan la arki Karin wax ciidan beeleed ah oo meel ku urursan, cidii ciidan meel ku urursata ee lagu arkana gacan dawladeed, duulimaad dawladeed iyo galimaad dawladeed ayaa ku dhacaya, si aanay taasi ugu dhicina waa inay cid waliba kala dirtaa wixii ciidan ah ee meel u jooga.

waxa la amray inaan la arki Karin cid qori sidata oo la soo gali karta magaalo, tuulo ama ceel layskugu yimaado, mamnuucna ay tahay in la arkaa kii isdhiibi waayana xoog ayaa lagaga qaadayaa iyada oo waliba maxkamad loogu darayo.

cid kasta oo hadal,af ama taakulayn kaga qayb qaadata shaqaaqadaas inay sii huriso iyana waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan meeqaam kasta oo uu leeyahay.

inaanu xukuumad ahaan soo diyaarino cida xidhaha u ah labadan qolo oo laga saaray cidii ugu dhawayd ee u ahayd xidhayaasha oo qolo waliba xidhaheeda laga saaray Sacad Yoonis iyo Biciide lagana dhigay cida reer sanaag ah ee ugu dhaw labadooda kuwaas oo aanu ka soo kaxayn doono Ceerigaabo.

waxa kale oo raaci doonaa qodobadii ay guurtidu u soo jeedisay oo ah inay qolo waliba keensato 21 xubnood oo shirkaas uga qayb gala oo ay ka mid yihiin dadkii dhibanayaasha ahaa ee ay dadku ka dhinteen ee ku agoomoobay ama kii walaalkii ku dhintay miduun, cidii gacantu ku dhacday ee dhibaha ahayd inay qolo walba 21 uga mid noqoto.

Waxa la amray inay intaas ku soo diyaar garoobaan maalinta khamiistana ay iyaga oo isku dhan golaha yimaadaan, labada qolona way qaateen culimadii reer Ceel Afweyn oo nala joogtayna way noogu ducaysay, rajo wanaagsana waanu qabnaa, waxaanan ka digaynaa cid kasta oo tidhaahda qaadhaan ururis ayaanu arintaas kaga qayb galaynaa ama cid ayaanu taakulaynaa tidhaahda ama af xumo, iyo kala fogayn la timaada meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba waa lala soconayaa talaabo sharciga waafaqsana waa laga qaadayaa.”