Waa sidee Habmaamuuska Saxda ah Ee Masuuliyiinta iyo Madaxweynaha Qaranku?

0
321

“National Protocol” sida hab-maamuuska saxda ahi yahay waa in masuuliyiinta qaranku dhanka midig ee Madaxweynaha miiska ka fadhiistaan oo ay u muuqdaan masuuliyiinta wax qaabilay (Official Host).

Sidoo kale waa in martida amma masuuliyiinta booqashada ku yimi ay iyana tahay in ay miiska ka fadhiistaan dhanka bidix ee Madaxweynaha si ay ugu muuqdaan marti iyo masuuliyiin la qaabilay (Official Guest).

Dhanka kale, waa in aannu Madaxweyne-Xigeenku la saf ahaan wasiirrada ee uu la saf noqdaa Madaxweynaha – isaga oo fadhigiisu yahay dhanka bidix ee Madaxweynaha (Level of Presidency).

Goorta sida tan ay tahay in la yaalaa waa goorta goobta shirku ka dhacayaa ay tahay xafiiska Madaxweynaha qaranka. Hadda sawirka kan protocol xumo aad u badan ayaa ii ga muuqda. Waa marti u muuqata kuwii marti-soorka lahaa – waxa marti-soor u muuqda kuwii marti-siinta lahaa!

Ceebta tan la isku ma jiro e, Madaxa Protocol ka Madaxtooyada ayaa ku keliyeysta. Adduunyadu waa ay inna eegaysaa – in ay dawladnimo inna ga muuqato oo dhaqankeed aynnu yeelanno waa la ga ma maarmaan.

Mohamed Hagi Mohamoud