Waa maxay ujeedka ugu weyn ee Madaxweyne dal daaqadda gaadhiga uu saaran yahay loo ga furo?

0
359

Ma isweyddiiseen Reer Somaliland-now ujeedka ugu weyn ee Madaxweyne dal daaqadda gaadhiga uu saaran yahay loo ga furo? Yaa ay tahay in uu daaqadda ka furo Madaxweynaha iyana weyddiinta hore ma ku xijiseen weli?

Ma ogtahay sababta Madaxweynaha daaqadda gaadhiga ay tahay in loo ga furo in aaney shuqul ku lahayn hab-maamuus (protocol)? Ma se ka war-qabtaa in ay qasab tahay in qofka Madaxweynaha daaqadda ka furayaa noqdo qof xoog ah, da’ yar, si fiican u tabobaran oo ciidan sirdoon ah?

Ujeedka Madaxweyne daaqadda gaadhiga uu saaran yahay loo ga furaa waa arrin khusaysa amniga Madaxweynaha ee ma aha hab-maamuus. Waana sida ay u tahay in qofka Madaxweynaha ka furaya albaabka uu u noqdo qof ciidan ah, xoog ah, tobobar fiican qaba, hubaysan oo sirdoon ah.

Marka Madaxweyne daaqadda gaadhiga uu saaran yahay la ga furayo waa in Madaxa loo ga ilaaliyo daaqadda oo uu qof shaqadaa qaabilsanaado. Sidoo kale waa in labo qof oo ciidan dhar-cad ahi iyana ay aagga oo dhan isha ku hayaan.

Sawirka kan aan arkayaa intaa midna kama turjumayo. Waxa ii muuqda nin ciidan ah, labbisan oo la da’ ah Madaxweynaha amma ka weyn oo aan sirdoon ahayn, taag-daran oo aan is-baacin karahayn oo si aan sax ahayn Madaxweynaha daaqadda u ga furaya isaga oo kelidii ah.

Waxa aan arkayey dad badan oo sawirka kan si qaldan u ga faallooday. Sida aan u soo dhigayna waa uun i ga saxniin iyo sheegmo aan sax ahayn in aan sharxo oo warbka ka saaro. Qaladkan ma aha mid uu leeyahay Madaxa Protocolka Madaxtooyadu ee waa mid uu leeyahay Madaxa Sirdoonka qaranku.

Mohamed Hagi Mohamoud