Tirada dhimashada Qaraxii Muqdisho oo kor u dhaaftay 30 qof

0
157

Tirada dhimashada ayaa guud ahaan marka la eego gaadhay 30 ruux Qaraxii iyo is rasaaseyntii ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, Rayid, Askar iyo xoogag ka tirsanaa Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi oo ay sheegtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa madaxtooyada iyo xarunta nabadsugidda qaranka.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaadhi laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT.