Sidee Xukuumaddu Kor Ugu Qaadi Kartaa Tayaynta Waxbarashada Dowliga Ah?

0
196

Sida muuqa ama aynu wada ogsoonahay waxbarashada somaliland, waxay u kala qaybsantaa waxbarasho dowli ah oo xukuumaddu gacanta ku hayso Heerka waxbarasho ee Somaliland, waxaa uu soo maray marxalado kala gedisan oo mid waliba ay lahayd waayeheeda, waxayna waxbarashada Somaliland, dib u soo bilaaban tahay 1991-kii, marka laga yimaado waqtigii gumaysigii Ingiriiska iyo midowgii Soomaaliya.

Markii ay somaliland madax banaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jirey soomali-weyn, somaliland waxay la kulantahay dhibaato waxbarasho waayo, dalka oo dhan baa burburay, waxaa la soo maray waqti wax lagu baran jirey geed hoostii oo ay caruurtu ku fadhiisan jirtey daasado iyo dhagxaan oo aanay jirin wax kale oo qalab ah oo wax lagu bartaa, duruufaha jirey awgood.

27 sano ka dib, somaliland waxay dhinaca waxbarashada ka samaysay horuumar wayn, hanaanka waxbarasho

somaliland, ayaa dalka intiisa badan la wada gaadhsiiyey, sanad walba waxaa goobaha waxbarasho ee dugsiyada sare iyo dhexe ka soo qalin jebiya kumaan arday, kuwaasoo ku biira jaamacada dalka, marka ay ku guulaystaan imtixaanka shahaadiga ah.

 

Sida muuqa ama aynu wada ogsoonahay waxbarashada somaliland, waxay u kala qaybsantaa waxbarasho dowli ah oo xukuumaddu gacanta ku hayso {Public Education Sector}, iyo waxbarasho gaar loo leeyahay oo shaqsiyaad gaar ahi ay leeyihiin {Private Education Sector}, labada qaybood ee ay waxbarashada somaliland ku kala abtirsato ayaa ah kuwo kala duwan ama aad u kala fog marka la eego qaabka tayo ee waxbarasho iyo nidaamka maamul ee waxbarasho labadaba.

 

Tusaale ahaan, waxbarashada dowliga ah ee somaliland,ayaa ah mid aad loo dhaliilo tayadeeda waxbarasho, halka waxbarashada gaarka loo leeyahayna ay tahay mid lacag adag lagu bixiyo, sidoo kale tayadeeda waxbarasho ay tahay mid aad u wanaagsan kana fiican ta dowliga ama waxbarashada dowladu maamusho.

 

Sidee Loo Tayayn Karaa Waxbarashada Dowliga Ah?

 

Waxbarashada dowliga ahi, waa aas-aaskii waxbarasho ee bulshada, aduunkana ay ka jiraan waxbarasho dowli ah iyo waxbarasho gaar loo leeyahay, balse markasta waxaa muhiimada koobaad ee tayo la siiyaa waxbarashada dowliga ah, waayo waxbarasho ka dhexaysa kii taajirka ahaa iyo kii faqiirka ahaa, waa waxbarashu ka turjumaysa hanaanka dowladnimo oo hadii aanay jirin waxbarasho dowli ahi, ma jirto dowladnimo dhamaystiran.

 

In la tayeeyo waxbarashada dowliga ah, waa masuuliyadi ka saarantahay hadba xukuumadda joogta, waana in xukuumadkastaa ka dhigato ahmiyada koobaad kor-u qaadista iyo tayaynta waxbarashada dowliga, iyada oo laga kor marinayo waxbarashada gaarka loo leeyahay.

Qodobadan Hoos ku Qoran Ayaa Dawo u ah kor u Qaadista Tayada Waxbarashada Dowliga ah.

  • In wasaarada waxbarashada iyo Sayniska somaliland, ay guud ahaan is bedel ku sameeyaan hanaanka waxbarasho ee somaliland {Reform},iyada oo la kaashanayo shaqsiyaad aqoon u leh waxbarashada, oo dersa sababta ay hoos ugu dhacday waxbarashada dowliga ahi.
  • Waa in xukuumadda iyo wasaarada Waxbarashadu ay macalimiinta siiyaan mushar ku filan oo la mid ah ka ay siiyaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, hadii macalinkii mushar ku filan uu helo waxaa uu soo saarayaa arday tayo waxbarasho leh.
  • Waa in la tayeeyo manhajka waxbartasho ee dugsiyada dowliga ah, iyada oo la xoojinayo hanaanka waxbarasho, laguna soo kordhiyo waxyaabo muhiim ah oo ardaydaga jeclaysiiya dugsiyada dowladda.
  • Waxaa muhiim ah in ardyda dugsiyada dowlada lagu ilaaliyo xaadiriska {attendance}, oo aanay dugsiyadii dowladu  noqon meel ardaygu maalinta uu doonona yimaaddo, marka uu doonona maqnaado, taasoo macna tiraysa himiladii waxbarasho ee dowliga ahayd.
  • Waa in jaamacadaha dalku aanay u sinaan ardayga ka soo baxa dugsi dowli ah iyo ardayga ka soo baxa ama waxka soo barta dugsi gaar loo leeyahay, waa in wasaarada waxbarashadu ku amartaa in ay jaamacaduhu qaadaan ardayda ka soo baxda dugsiyada dowlada, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida ardaydu ku qabto waxbarashada dowlada.
  • Sidoo kalena waa in xukuumaddu fulisaa balan qaadkii ahaa in ardaydu helaan qalab waxbarasho oo bilaash, ah {Free Textbooks}, taasoo uu madaxweynaha somaliland balan qaaday maalmo ka hor.
  • Waa in dib loo dhisaa dugsiyada dowlada oo waqtigan tayac badani ka muuqto,gaarkoodna xataa aanay albaabo lahayn, taasoo niyad jebinaysa ardayda doonaya in ay wax ka bartaan dugsiyada dowliga ah.
  • Waa in la xaqiijiyaa in ay socotay ama hirgashay barnaamijkii waxbarashada hoose/dhexe lagaga dhigay bilaash, iyada oo weli dugsiyada gaar lacag lagu qaado.
  • Waa in xukuumaddu ay ka joojisaa dugsiyada gaar ka looleeyahay lacagta badan ka qaadaya dadweynah, taasoo sababta in ay waxbarashada dowliga ahi hoos u dhacdo.
  • Waa in macaliinta wax ka dhigaya dugsiyada dowliga ah waa in ay yeeshaan aqoon, balse aan dugsiyada dowlada aan macalimiin looga dhigan dad horey dugsiyada uga saaqiday.
  • Waa in xukuumaddu samaysaa cid ku samaysa daba gal joogta iyo qiimayn dugsiyada dowladda.

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa somaliland

Waxbarashada dowliga ahi waa waxbarashadii bulshada oo dhan ka dhexaysay, taasoo ay u siman yihiin mid wax haysta iyo mid aan waxba