Dadweynaha Gabogabo oo xukuumadda ka codsaday inay u ogolaato inay la soo baxaan Sibidh Ceegaaga Buurahooda

0
196

Gabogabo (Waaheen) Dadweynaha deegaanka Gabogabo oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaaladda Burco ayaa cabasho ka muujiyey Wershed Sibidh oo ay ka samaysan lahaayeen deegaankooda oo ay sheegeen inay doonayeen inay Sibidh kala soo baxaan.

Maxamed X Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha deegaanka ee doonayey inay wershada ka samaystaan deegaankooda, waxaanu sheegay qorshaha wershada inay ka soo bilaabaan deegaankooda, iyagoo ku soo qanciyey inay la soo baxaan Sibidhkooda.

Oday Maxamed waxa uu sheegay inay wasaaradda Macdantu ogolaansho usiisay inay la soo baxaan, balse wasaaradda Ganacsigu ka hor istaagtay qorshahoodii, waxaanu sheegay inay isku tuur tuureen masuuliyiinta wasaaradaasi oo uu ku eedeeyey inaanay shaqadooda garanayn.

Dadweynaha deegaanka oo iyana dhinacooda ka hadlay ayaa xukuumadda ku dhaliilay inaanay waxba u qaban, dhalinyaradoodii ka shaqo la’dahay, isla markaana aanu deegaankoodu wax gacan qabasho ah helin, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay u tixgaliso siday Khayraadkooda ula soo bixi lahaayeen.

Odayaal, Dhalinyar iyo Hooyooyin la hadlay saxaafadda ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu u fasaxo sidii ay ula soo bixi lahaayeen Khayraadkooda, isla markaana uga faa’iidaysan lahaayeen Sibidhka Ceegaaga.

odayaasha ayaa sheegay inay Heshiis la galeen shirkad Shiine ah oo ay kula heshiiyeen wershada iyo Tababarada dadka deegaanka.