Wasiiro Kormeeray Mashaariicda Horumarineed ee SDF ka Wado Laascaanood

0
91

Laascaanood(Waaheen) Wefti uu hoggaaminayo wasiirka biyaha Somaliland mudane Saleebaan Cali Koore oo uu wehelinayo wasiir ku xigeenka qorsheynta Xuseen Cabdi Buuni ayaa shalay kormeeray mashaariic horumarineed oo Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF ka wado magaalada Laas-caanood.

Weftigan ayaa waxay soo mareen dugsiga hoyga Laascaanood oo qaybo dhismayaal ah iyo qoditaanka biyo, waxa kale oo ay gaadheen Cusbitaalka guud ee  Laascaanood oo ka mid ah meelaha mashaariicda horumarineed ka wadaaan Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF

Wasiir ku  xigeenka  W Qorshaynta Eng. Xusseen Buuni oo goobaha uu marayey dadka iyo warbaahinta kula hadlayey ayaa waxaa uu safarkooda kaga warbixiyey in ay  arkaan wixii qabsoomay wixii had a socdana sidii loo dhamaystiri lahaa, waxaanu ka Mahad celiyey soo dhoweyntii, waxaanu balan qaaday waxqabad.

Gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre oo meelaha ay tagaan ka warbixinayey ayaa waxa uu sheegay in waxqabadka mashaariicdan ay uga Mahad hayaan Xisbiga Kulmiye iyo madacweyneheedii Siilaanyo.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF ayaa sadex mashruuc oo muhiim ah ka wadey Laascaanood iyadoo lagu guulaystey laba ka mid ah oo kala ah dugsiga Hoyga iyo isbitaalka Laascaanood