Rio Ferdinand Oo Sheegay Wixii Ay Xiddigaha Man United Ka Aaminsanaayeen David De Gea Markii Uu Ku Biiray

0
248

Halyeeyga kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday wixii ay xiddigaha Man United ka aaminsanaayeen David De Gea markii ay Man United la soo saxiixatay goolhayaha reer Spain.

Rio Ferdinand ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha Man United ka shaki sanaayeen awoodaha Goolhayaha reer Spain ee David De Gea markii uu ku soo biiray kooxda Man United.

Halyeeyga Man United ayaa arintaas sheegay kadib markii goolhayaha reer Spain uu soo bandhigay qaab ciyaareed waali ah kooxdiisa Red Devils-na ka caawiyay in ay bar-baro 0/0 ah kala soo baxdo kulankii Sevilla.

De Gea ayaa shabaqiisa ka ilaashatay Sevilla isaga oo sameeyay badbaadino waali ah oo ay xitaa xiddigaha Sevilla u qaadan waayeen.

Ferdinand ayaa amaanay qaab ciyaareedka goolhayaha reer Spain isaga oo la hadlaya BT Sport laakiin qirtay in uuna aaminsanayn in uu ka mid noqon doono mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka.

“Waxa aanu ka hadlaynay isaga markii uu markii ugu horaysay yimid kooxda xiddigaha ayaa meesha la fadhiyya iyaga oo run ahaantii ka shakisan awoodaha goolhayaha”ayuu Yiri Ferdinand.

“Wiil da,yar ah ayaa yimid Man United waxana aanu u baahnayn in aanu koobab ku guulaysano sanad kasta”.

“Sidee ayaan ugu guulaysan karnaa hadii uu wiilka yar goolka noogu jiro isaga oo aan waliba wax khibrad ah lahayn, waxa uu u muuqday mid bilaa kalsooni ah”.

“Laakiin waxa aad aragtaa meesha uu maanta joogo, taasina waa calaamada qof si adag u shaqeeyay si uu u gaadho meesha uu doonayo”.