Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Barbaraha Ku Qabatay Sevilla Ee Champions League

0
425

David de Gea ayaa soo bandhigay badbaadino cajiib ah isagoo ka caawiyay Manchester United inay barbaro goolal la’aan ah ku qabato Sevilla kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League oo ka dhacay garoonka Ramon Sanchez.

Xilli hore ee la soo geliyay Paul Pogba oo bedelay Ander Herrera oo dhaawacmay ayaan wax saameyn ah yeelanin iyadoo Sevilla ay inta badan ciyaarta iska heysatay bilowgii, laakiin kooxda reer Spain waxaa waqtiba waqtiga ku xiga fursado ka beeninayay David de Gea.

Si la mid ah ayay aheyd qeybtii labaad, laakiin markaan dhameystir xumo ayaa beenisay kooxda La Liga iyadoo Pablo Sarabia uu fursad gool loo fishay oo meel dhow ah seegay.

Romelu Lukaku ayaa kubada shabaqa soo taabsiiyay qeybtii labaad laakiin waxaa loo diiday kubad gacan aheyd darteed iyadoo United ay sii wadato rikoorka xun ee ay ka heysato kooxaha Isbaanishka, iyagoo dhaliyay kaliya todobo gool 15kii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League ee ay wajaheen kooxo Isbaanish ah.

Xiddiga garoonka – David de Gea

Waxaa inaga sii dhamaanaya tilmaamayaal lagu qeexo David de Gea. Waxa uu badbaadiyay kooxdiisa waqtiba waqtiga ku xiga, waxaana uu mar kale ku sameeyay koonfurta Spain. De Gea waxa uu haatan badbaaiyay boqolkiiba 95.5 darbooyinkii uu ku wajahayo Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku dhow yahay rikoorka shabaq nadiifka ee xilli ciyaareedka.

Badbaadintii uu ku beeniyay Muriel qeybtii hore waxa ay aheyd mid cajiib ah, waxaana uu hubanti ka dhigay in United aan lagu soo jajabsan dalkiisa Spain.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Sevilla: Sergio Rico (6), Lenglet (7), Banega (8), Correa (6), Nzonzi (7), Navas (7), Sarabia (7), Escudero (6), Muriel (6), Vazquez (7), Mercado (6)

Bedel: Pizarro (N/A), Sandro Ramirez (N/A)

Man Utd: De Gea (9), Valencia (6), Lindelof (6), Smalling (6), Young (6), Matic (6), Herrera (5), McTominay (7), Mata (5), Lukaku (5), Sanchez (5).

Bedel: Pogba (6), Martial (6), Rashford (6).