Muuqaalka Qaabkii Uu Luis Suarez Ugu Maadsaday Caawiyaha Garsooraha Kadib Goolkii Lionel Messi

0
226

TV Laga Leeyahay Dalka Spain Oo Soo Bandhigay

Luis Suarez ayaa falcelin layaableh ka sameeyay goolkii uu Lionel Messi ka dhaliyay kulankii Chelea taas oo u keentay in kaadhka digniinta ah lagu siiyay laakiin muuqaal uu baahiyay TV dalka Spain laga leeyahay ayaa soo bandhigay Suarez oo ku maadsadanaya caawiyaha garsooraha markii ay ciyaartoyda Barcelona u dabaal degayeen goolkii Messi.

Luis Suarez ayaa caawiyaha garsooraha ee kulankii Chelsea ugu cadhaysnaa in uu ku abaal marin waayay rekoodhe waqti yar ka hor markii uu Lionel Messi dhaliyay goolka barbaraha wuxuuna Suarez markii uu hubsaday in darbadii Lionel Messi ay goolka Chelsea gashay uu bilaabay in uu ku maadsado caawiyaha garsooraha uu ugu cadhaysnaa in aanu rekoodhe siin.

Nasiib xumadiisa Luis Suarez ayaa maray ciqaabta uu ku mutaystay in uu caawiyaha garsooraha ugu maadsaday in Messi uu dhaliyay goolka uu rekoodhaha ku doonayay ee uu aaminsanaa in laga diiday laakiin garsoore Cuneyt Cakir ayaa Suarez kaadhka digniinta ah u taagay markii uu ciyaartoyda kooxdiisa la soo dhamaystay dabaal dega.

Luis Suarez ayaa leh taariikh aan fiicnayn oo garoonka dhexdiisa ah isaga oo marar badan kaadhka digniinta ah ku qaata dood uu la galo garsoorka wuxuuna markan u muuqday mid aan caawiyaha garsooraha ka cafiyin qaladka uu kaga tirsanayay in aanu rekoodhe siin waqti yar ka hor goolkii Messi.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Qaabkii Uu Suarez ugu maadsaday caawiyaha garsooraha iyo qaabkii kaadhka digniinta ahaa loo siiyay Laacibtv Ka Daawo Muqaalkan