Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Maariyeyaal, Agaasimeyaal iyo Safiiro Xukuumaddiisa ka mid noqon doona

0
151

Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay Maareeyayaal, Agaasimeyaal iyo Safiiro xukuumaddiisa ka mid noqon doona.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir Magaca Xilka
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka

  1. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka
  2. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada
  3. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
  4. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
  5. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
  6. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay
  7. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
  8. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”