Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Champions League Ka Dib Markii Uu Soo Dhamaaday Kulamada Lugta Hore Ee Wareega 16ka?

0
475

Waxaa xalay soo idlaaday kulamada lugta hore ee wareega 16ka Champions League oo la ciyaaray labadii isbuuc ee ugu danbeysay, iyadoo kooxaha qaar ay hal lug la sii galeen wareega sideed dhamaadka sida Liverpool, Manchester City iyo Bayern Munich kuwaasoo guulo waa weyn gaaray.

Kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid ayaa iyagana rajo aad u weyn ka leh u gudbida wareega sideed dhamaadka ka dib markii ay 3-1 ku soo garaaceen Paris Saint-Germain lugtii hore oo ka dhacday Santiago Bernabeu, halka kooxaha Barcelona iyo Chelsea ay ku kala bixi doonaa kulanka Camp Nou ka dib barbaro 1-1 oo ay ku galeen Camp Nou.

Hadaba halkee la kala marayaa tartanka gooldhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan?

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la cararay kabta dahabka ee Champions League isagoo ku hogaaminaya 11 gool ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay Los Blancos 3-1 ku garaacday kooxda Faransiiska ee PSG.

Ma ahan lama filaan in Ronaldo uu ugu sareeya miiska kala sareynta gooldhalinta koobka kooxaha horyaalada Yurub. 33 jirkaan ayaa ah xiddiga abid ugu goolasha badan tartanka, mana soo bandhigayo calaamado muujinaya in tirooyinkiisa ay joogsanayaan.

Waxa uu kabta dahabka ee Champions League ku guuleystay shan xilli ciyaareed oo isku xigta, waxaana uu durbaba hal gool ka danbeeyaa wadarta goolashii uu tartankaan ka dhaliyay xilli ciyaareedkii hore ee 12 gool.

Xiddigaha ku soo xiga tartanka gooldhalinta ee xilli ciyaareedkan waa weeraryahanada Ingariiska ka ciyaara ee Roberto Firmino iyo Harry Kane kuwaasoo leh min todobo gool. Weeraryahanka Liverpool Firmino ayaa shabaqa soo taabtay isbuucii hore kulankii ay 5-0 kaga badiyeen FC Porto, halka Harry Kane uu dhaliyay gool ka mid ah labadii gool ee ay Tottenham ku barbareysay Juventus isbuucii la soo dhaafay.

Waxaa ku soo xiga oo isna aan sidaas uga fogeyn weeraryahanka kale ee Liverpool Sadio Mane kaasoo seddexleey dhaliyay kulankii ay xasuuqeen FC Porto waxaana uu leeyahay lix gool oo uu la wadaago Neymar, Wissman Yader, Mohamed Salah iyo Edinson Cavani.

Tartanka Gooldhalinta Champions League:

11 gool – Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

7 gool – Harry Kane (Tottenham), Roberto Firmino (Liverpool)

6 gool – Sadio Mane, Mohamed Salah (labadaba Liverpool), Neymar, Cavani (labadaba PSG), Wissam Yader (Sevilla)

5 gool – Phillipe Coutinho (waqtigiisii Liverpool), Robert Lewandowski (Bayern Munich), Vincent Aboubakar (FC Porto)