Faa’iidooyinka Maalgashiga Beeraha

0
422

Cabdilaahi Waxa uu ka mid yahay Beeralayda Maalgashiga ku sameeyey beeraha deegaanka Laasa-dacawo oo ka Tirsan Gobolka Saaxil.
Mar uu ka waramayey maalgashiga uu ku sameeyey Beerta iyo markii hore waxa uu qaban jiray waxa uu sheegay in Barigii hore ee Hargeysa ku haystay Bakhaar ganacsi, isla markaana u shaqayn jireen dad tiradoodu gaadhayso laba qof.
Hadda waxa uu maalgaliyey beer cabirkeedu gaadhayso 7 Hectar oo ay ka beeran yihiin Cambe Babaay, Liin macaan, Cambashoog, Liin dhanaan, Basbaas, barbarooni iyo noocyo kale oo geedaha iyo khudaarta la beero ka mid ah, waxaana uu tilmaamay inay hadda u shaqeeyaan ku dhawaad 30 Shaqaale ah.
Cabdilaahi oo ka hadlaya Faa’iidooyinka ay leeyihiin maalgashiga beeruhu waxa uu yidhi “Dadkeenu shaqo la’aan ayey ka cawdaan shaqadii beeraha ayey taalaa markii hore bakhaar Ayaan haysan jiray waan iska xidhay oo beertaasaan tabcaa”.
Cabdilaahi ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan kula talinayaa baayacmushtarka inay Beeraha maalgashadaan oo markii hore maan ahaan jirin beeroole manaan aaminsanayn in wax lala soo bixi karo, balse waxaan arkay in wax soo saarku yahay waxa ugu faa’iidada badan”