Da’da Yarta Liverpool Oo Wareega 16ka UEFA Youth League Ku garaacay Dhigooda Manchester United

0
118

Kooxda Liverpool ee da’dooda ay ka yar tahay 19 sanno oo uu tababare u yahay kabtankii hore ee Reds Steven Gerrard ayaa garaacay dhigooda Manchester United oo uu macalin u yahay Nicky Butt iyadoo ku dubtay 2-0 kulan ay ugu soo baxeen wareega sideed dhamaadka UEFA Youth League.

Weeraryahanka reer Wales Ben Woodburn ayaa goolasha u furay kooxda Liverpool isagoo madax ku dhaliyay goolka qeybtii hore ee ciyaarta.

Rafael Camsho ayaa kubad uu meel dheer ka soo tuuray ugu xaqiijiyay Liverpool natiijada taasoo keentay in Steven Gerrard uu u dabaaldego sida tababaraha Liverpool Jurgen Klopp halka Nicky Butt uu ciil dartiis dhulka u haraantiyay.

Liverpool ayaa wareega sideed dhamaadka UEFA Youth League waxa ay la ciyaarayaan Manchester City 13ka ama 14ka bisha Maarso.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Gerrard oo 710 kulan u saftay Liverpool 17kii xilli ciyaareed uu kooxda joogay ayaa ciyaaraha ka fariistay bishii November 2016, waxaana tababare looga dhigay kooxda Reds ee da’dooda ka yar tahay 18 sanno bishii April ee sannadkii hore.

37 jirkaan ayaa ka dib la weydiistay inuu hogaamiye kooxda 19 jirada ee koobka UEFA Youth League xilli ciyaareedkan waxaana uu ku hogaamiyay wareega sideed dhamaadka ka dib markii ay kaalinta koowaad uga soo baxeen group-kooda.

Nicky Butt oo 12 sannadood u ciyaarayay Manchester United ayaa isna tababare looga dhigay kooxda Red Devils ee da’dooda ka yar tahay 19 sanno ee ka qeybgalayay xilli ciyaareedkan UEFA Youth League. Waxa ay u soo baxeen wareega 16ka markii ay group-kooda ku dhameysteen kaalinta labaad.

43 jirkaan ayaa sidoo kale loo magacaabay madaxa akadeemiga Manchester United sannadii 2016.