Arsenal v Manchester City – Kooxdee Ku Guuleysan Doonta Koobka Carabao Cup Oo Finalka La Ciyaari Doono Maalinta Axada?

0
206

Waa koobkii ugu horeysay ee weyn ee la bixiyo xilli ciyaareedka Ingariiska marka ay Manchester City wajahdo Arsenal finalka Carabao Cup oo sidoo kale loo yaqaano League Cup.

Finalka waxa uu maalinta Axada 7:30pm ka dhici doonaa garoonka qaranka Ingariiska ee Wembley.

Taariikhda Koobkaan & Labada Kooxood

Arsenal waxa ay 13 jeer ku guuleystay FA Cup taasoo rikoor ah, laakiin waxa ay koobka kale ee maxaliga ah ee League Cup ay ku guuleysteen kaliya labo jeer. Markii ugu danbeysay ee ay hantaan koobkaan waxa ay aheyd sannadii 1993 markaasoo uu Steve Morrow uu goolka guusha ka dhaliyay Sheffield Wednesday.

Kabtankii Arsenal ee waqtigaas Tony Adams ayaa intii loo dabaaldegayay hanashada koobka waxa uu dhulka ku riday Morrow kaasoo cusbital loo dhigay inuu gacanta ka jabay. Tan iyo markaas Arsenal waxaa laga badiyay labo final mid ay Chelsea la ciyaareen 2007 iyo mid ay Birmigham City la dheeleen 2011.

City waxa ay koobkaan ku guuleysatay afar jeer oo ay ku jiraan sannadihii 2014 iyo 2016. Guushii 2014 ay ka gaareen Sunderland waxa ay caan ku aheyd goolal cajiib ah oo ay dhaliyeen Samir Nasri iyo Yaya Toure, halka goolhaye Wily Caballero uu ahaa geesiga sannadii 2016 isagoo ka caawiyay inay rigoore koobka uga qaadaan Liverpool.

Maxay kula tahay?

Arsenal rikoor fiican ayay ku heysataa Wembley marka ay timaado koobabka maxali laakiin sidoo kalena la iskama indhotiri karo awooda kooxda u sharaxan hanashada horyaalka ee Manchester City.

Gari lama nin kama wada qosolsiiso, hadaba ayaad koobka u saadaalineysaa Axada inay hanan doonto? in Arsenal ay markii seddexaad kor u qaadi doonto League mise in Manchester City ay markii shanaad ku guuleysan doonto?