Khilaaf ka taagan qaabka ay wasaaradda Cadaaladdu ula wareegtay xafiiskii Dibu-habaynta Shuruucda ee la hoos geeyey

0
113

Hargeysa(Waaheen) wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa toddobaadkii hore Amar ku siiyey shaqaalaha wasaaraddiisa inay la soo wareegaan qalabkii yaalaya xafiiskii Dibu-habaynta Shuruucda Dalka, oo uu Madaxweyne Muuse Biixi hoos geeyey wasaaradda Cadaaladda.

Shaqaalaha wasaaradda ayaa iyagoo wata ciidan iyo gaadhi waxay galeen xarunta guddidii dibu-habaynta shuruucda, halkaas oo ay ka soo qaadeen wixii Agab ahaa ee xafiiskaas yaalay, iyagoo qaar ka mid ah madaxda xafiiskaasi oo damcay inay ka hor istaagaan xoog kaga qaaday.

Masuuliyiinta Xafiiskaasi ayey wararka Waaheen ka helaysaa sheegayaan in ay cabasho arrintan la xidhiidha u gudbiyeen Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanay ku doodayaan in xafiiskoodu ku magacawnaa Xeer Baarlamaanku Anixiyey in noocaas loola dhaqmana aanay haboonayn.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa marka hore ba Xafiiskaas ka dhigay Waax hoos timaada wasaaradda Cadaaladda, hase yeeshee guddida ayaa u aragtaa Digreetada Madaxweynaha mid ka hor imanaysa Nidaamka Baarlamaanku u Ansixiyeen hay’adooda iyo hay’addo kale oo la mid ah oo ay saamaysay Digreetooyinka uu Madaxweynuhu wasaaraddo ku hoos geeyey hay’addo Xeerar ku dhisnaa.