Ciidamada Somaliland Oo ku Ruqaansaday Xuduudka Puntland

0
521

Yoocada(Waaheen) Ciidamda Dowladda Somaliland ayaa 5:00am Subaxnimo u Ruqaansaday Dhinacaa iyo Xuduudda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,

iyaga oo ugu Horaynba Tuulada Tukaraq oo kastam u ahaan jirtay Puntland ay Gacan ku haynteedii kala wareegeen maamulkaas 5:15am,

kedib Ciidamdu waxa ay u sii jaqaafiyeen dhinacaa iyo Deegaanka Yoocada oo ahayd Xuduud’da rasmiga ah ee Somaliland iyo somalia Ingiriiskii u kala jeexay isla markaasna u jirta wax ka yar 7km Magaalada Caasimadda u ah Puntland,

Wallow aanu Wax dhiig ahi ku daadan Hawl-galkaas Ciidamda dowlada somaliland ku sugayaan Xuduudaha dalka, hadana wararka ka imanaya dhicana Puntland ayaa sheegaya in Maamulkaasi qorshaynayo Dagaal uu ku doonayo in uu kaga hor-tago Ciidamda somaliland ee ku sii jeeda Deegaanka Yoocada oo xuduud u ah maamulka Puntland iyo Somaliland.

Ciidamda Qaranka Somaliland ayaa hadda ku sugan deegaanka god-qaboobe oo u jirta 11km magaalada Garoowe, balse waxaa laga baqo-qabaa in ciidamadu Hawl-galkooda sii wadaan oo ay Gaadhaan deegaanka Yoocada oo ah Xuduuda somaliland iyo Somalia balse 27-kii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ugu jirtay Somalia,

Hadii ciidamda somaliland tagaan xuduudii rasmiga ahayd ee ingiriiska iyo somaliland oo 5km qudha u jirta garoowe waxaa ka dhalan-karta colaado uu dhiig ku daato,

Dowlada somaliland ayaa mudo laba jeer oo hore gaadhay deegaankan yoocada oo xuduud ahaan somaliland dhulkeeda ah balse kulaalaya kaantaroolka Garoowe, hase yeeshee madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dib u soo raray ciidanka si aanu dhiig u qaban, hase yeeshee Ficilkan maanta ee Ciidamda qaranka ayaa u muuqda mid ay Dhoola-tus ugu samaynayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugan Garoowe Ciidmada somaliland-na u jiraan watqigan wax ka yar 11km ayna ku suganyihiin deegaanka God-qaboobe.

Hawl-galkan ay Ciidanka Qaranka Somaliland qaadeen ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwo jawaab u ah Madaxweynaha Somalia oo soo Fara-geliyay siyaasada arimaha Gudaha Somaliland islamarkaasna Jabhadii la qarameeyay ee khaatumo u aqoonsaday Maamul-goboleed,