Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo 21 Qof Oo Ka Shaqayn Doonna Mashruuca Tirinta Shaqaalaha Imtixaan Ka Qaaday

0
79

Hargaysa (Waaheen) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland ayaa muwaadiniin tiradoodu aad u badan tahay oo shaqo doon ah, Imtixaan ay ku kala saarayso ka qaaday si ay u buuxiyaan 21 shaqo oo ka banaan Hay’adda shaqaalaha Dawladda. isla markaana sheegtay in dadkii Imtixaankaasi u soo dhamaaday laga qaaday ay Natiijadooda ay deg deg u soo bandhigi doonaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa qoraal uu kaga warbixiyey Muwaadiyiinta ay Hay’adda Shaqaalaha ee dawladdu Imtixaanka ay Hargeysa ku qabteen uga qaaday dadka tiradda badan ee 21 shaqo oo ka banaan inay buuxiyaan Hay’adda shaqaalaha Dawladda oo Qoraal uu kaga hadlay waxa uu soo dhigay Barkulankiisa uu Facebook-ga ku leeyahay, waxaanu tafaasiil dheeri ah kaga bixiyey qaabka uu Imixaankan dadka shaqo doonka ah laga qaaday u dhacay iyo Natiijaddana ay Baahin doonaan oo soo bandhigi doonaan.

 

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisa dadka shaqo doonka ah ay ka qaadeen kaga hadlay u dhigna sidan,

Imtixaankankii iyo xog qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ka lahayd ujeedo ka fog helida 21 guulayste oo si wanaagsan u soo dhamaaday

-Illaahay fadligii waxa si wanaagsan u soo dhamaaday imtixaankii loo galay tartanka shaqaalaha naga caawin tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda

– Ka sakow tirada guulaysan doonta waxaa hay’adda shaqaalaha dawladda maanta wixii ka dambeeya u suuro-gashay helida tiro ku filan in lagu bilaabo barnaamijka “kaydka shaqo-doonka” kaasi oo shaqo-doonkana u fududayn doonta in aanu kolba shaqo soo xaraysan halka hay’addana ay u sahli doonto imtixaamo xirfad gaar ah uun ku kooban “Tailored Examinations”

-Walaw maaraynta tirada tartamayaashu hawl badnayd maadama aanu u xidhnayn xirfad ama kuliyad gaar ah taasi oo ay keentay in shaqadani aanay ahayn mid aqoon gaar ah u baahnayd oo ay keliya qabanayaan enumeration haddana si wanaagsan ayaa loo maareeyey iyaguna isku maamuleen

-Waxa sido kale shaqo-codsadayaashii maanta ay heleen fursad ay isku tijaabiyeen si meelaha ay arkaan in ay ku hooseeyan kor isaga soo qaadaan

-Alle ka sakow waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo si uun gacan uga gaysayay hawshan waxaanan bogaadinayaa shaqo doonkii maanta sida rejada,aqoonta iyo dedaalku ka muuqday imtixaanka u gelay.

Degdeg ayaan natiijada u soo saari doonnaa Insha Alla

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed

 

Jaamacada Admas Oo Qado Sharaf Ku Maamuustay Wasiirada Xukuumada Cusub Ee Somaliland

Hargeysa(Waaheen)Jaamacada caalamiga ah ee Admas oo qatayJaamacadii ugu horaysa  ee qado sharaf  ku maamuustay in ka badan 10 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada cusub ee somaliland kuwaasi oo ah dhalinyaro haldoor ah oo ka tirsan xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Qado sharaftani oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada cusub oo ka koobnaa 11 wasiir kuwaasi oo dhamaantood ahaa dhalinyaro marka laga reebo wasiirka Wasaarada biyaha oo ujeedka loogu soo daray daarnayd in uu ka mid ahaa golihii wasiirada ee xukuumadii madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHU).

Ugu Horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jamaacada Admas Mudane Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo ku dheeraaday muhiimada ay u sameeyeen qado sharaftani kuna sheegay in ay tahay dhiiri galin ay isku garab istaagayaan golaha wasiirada cusub maadaama oo ay yihiin bahada waxbarashada oo xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay meesha ka saartay casuumadaha beelaha in aanay ka qayb gali karin wasiiradu taasina ay tahay mid xukuumadu meesha kaga saarayso qabyaalada iyo kala qayb sanaanta taasina ay sababtay in Jaamacada Admas ay casuumadani samayso.

Geesta kale waxa uu halkaasi ka sheegay in wasiiradani ay sameeyaan wax qabad lagu xasuusan karo si magac iyo wax qabad uga hadho waxa kale oo xusid mudan in uu halkaasi ka sheegay in ka jaamacad ahaan ay garab joogaan wasiiradani cusub si ay shaqada qaranku si wacan u socoto.

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Maaliyada Maxamed Daahir Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku farax san yahay qado sharaftani lagu qaabilay golaha wasiirada cusub waxaanu soo dhaweeyey doorka jaamacadu ay ka qaadato sidii ay dhalinyaro aqoon leh ugu taageerto shaqada qaranka.

Geest kale waxa halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Cabdiqaadir Maxamud Sh Muxumed oo sheegay in maanta ay guul tahay in wasiirada loo casuumo qaab ka duwan sidii hore oo lagu casuumo dhalinyaro nimo,aqoon  iyo wax qabad oo ay meesha ka baxdo qabiil wasiir casuumay, waxa kale oo uu taabtay in bahda wax barashadu si weyn ay u garab joogaan maadaamo oo uu yahay masuuliyiinta wasaarada waxbarashada.

Eng Xuseen Ibraahin Xasan Buuni wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in somaliland horumar balaadhan ku talaabsatay wakhtigana ay sii dar dar galin doonto qorsahyaal faro badan dhamaan qorshayaashaasna ay hir galin doonaan golaha wasiirda ee u badan dhalinyarada waxaanu sheegay in uu aad uga mahad celinayo qado sharaftani balaadhan ee lagu casuumay isaga iyo golaha wasiirada kale ee dhalinyarada ah.

Gebo gebadii waxa halakaasi ka hadlay wasiirka wasaarada Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo sheegay in ay guul tahay in uu ka mid ahaa golihii wasiirada ee Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHU) maantana uu ka mid yahay golaha wasiirada ee xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi waxaanu sheegay in uu waayo arag nimada balaadhan ee uu huwan yahay uga faa’iidayn doono golaha wasiirada cusub iyo shacbiga somaliland waxa uu sheegay in uu ka wasiir ahaan soo dhawaynayo in casuumadani loogu fidiyey ka mid ahaanshihii golaha wasiirada madaxwayne Cigaal oo uu wakhtigaas ugu da yaraa ugana mahad naqay jaamacada Admas qado sharaftani.