Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Dowladda ku booriyay in ay dib u eegista soo socota ee IMF 2018 ay ka dhigaan mid hufan sida tii 2017 ka oo guul muhiim ah ay ka soo gaartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Hey’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa qiimeysay waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyado la raacayo Barnaamijka SMP oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda taas oo lagu tilmaamay ‘mid lagu qanacsan yahay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda 2017ka.

Warkaan oo lagu shaaciyay Bogga Xasiiska UN ka ee Soomaaliya ayuu Michael Keating ku tilmaamay guul usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed tilaabadii Wasaaradda Maaliyadda ee aheyd in la hagaajiyo maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka W Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa horaantii Bishaan Shir uu Nairobi kula yeeshayMasuuliyiin ka socotay Hey’adda Lacagta Aduunka oo shirkoodii kaddib ay IMF soo saartay Warbixin ay ku xaqiijineyso Kalsoonida Soomaaliya ee Maaliyadda Dalka.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Oo Maanta Safarkiisii Labaad Ugu Amba-baxay Dalka Itoobiya
Wasaradda Horumarinta Beeraha Oo Koox Kormeer Iyo Wacyigalin Beeralayda u Samayn Doonta U Dirtay Qaar Ka Mid Ah Goboalada Dalka
Daawo: Wasiiro Kormeer ku soo Maray Wajaale
Daawo: Dadka Na nool AIDs ka oo Faquuq ka Cabanaya
DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED
Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi oo Dalka ku soo laabtay
© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.