Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Shir Gudoonka Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida

0
170

Hargeysa (Waaheen):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyey ee shirgudoonka labada gole ay madaxweynaha ugu yimaadaan ayaa daranaa is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan.

Image may contain: 1 person, standing

 

1. Waxa laga wada hadlay oo xooga la saaray adkaynta iyo sii xoojinta nabadgelyada dalka

2. Diyaar garawga iyo dhamaystirka xeerarka doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka intaan la gaadhin 13-March-2019ka, waxaanu madaxweynuhu labada gole xog ka siiyey kulan uu la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka oo la xidhiidha diyaar garawga doorashooyinkaasi

3. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo xidhay Xoojinta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda iyo labada gole.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Kulankan ayaa daba socda kulamo muhiima oo madaxweynuhu maalmihii u danbeeyey la yeelanayey masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ujeedadiisu tahay adkaynta iyo wada jirka danta qaranka iyo ta shacbigaba.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Image may contain: 1 person, indoor

Image may contain: 1 person, sitting