TALO BIXIN SHARCI KU SOCOTA WAZIIRADA CUSUB

0
86

Sida aynu wada ogsoonahay isla markaana la wada socono Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu dhawaan soo dhisay dawladiisa ama golihiisa waziirada oo runtii tiro yar tayo ahaana aad u wanaagsan una badan dhalinyaro qolqol jog ah oo wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba wax ku soo bartay dadweynaha reer Soomaaliland na aad ugu riyaaqeen madaama uu madaxweynu talada dalka si weyn uga qayb galiyey dhalin yarada wadanka wax ku baratay.

Dhinaca kale inuu madaxweynuhu magacaabo dhalin yaro aan qurba joog ahayn isla markaana wadanka wax ku baratay waxay dhiira galinaysaa dhalinyarada wadanka gudihiisa wax ku baratay ama hada ku jira jaamacadaha wadanka oo waxaa hada bilaabi doonta tartanka dhinaca wax barashada iyo tayeyntooda waxaanay dhiira galinaysaa dhalin yarada aqoon yahanka ah ee wadanka jooga.

Sidaa awgeed waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo bandhigo waajibaadka iyo shaqada Wasiirad, Wasiir ku xigeenada, Wasiiru dawlayaasha iyo Agaasimayaasha guud anigoo soo qaadan doonaXeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr. 71/2015, gaar ahaan qodobada sida cad u qeexaaya waajibaadka masuuliyiinta aan sare ku xusay, waana sida tan hoos ku qoran.

 Qodobka 21aad
Wasiirrada

Wasiiradu waxa ay u xilsaaran yihiin dejinta siyaasadda, meelmarinta xil gudashada iyo
waajibaadka Wasaaraddahooda, hagidooda, metelaadooda iyo kormeeridda Agaasinka Guud ee Wasaaradda.

Qodobka 22aad
Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Wasiirka
Isaga oo wasaaradiisa uga wakiil ah Madaxweynaha Xilka iyo waajibaadka Wasiirku
waa:
B) Xilka iyo Waajibaadka Wasiirka
i. Hogaamiyaha guud ee siyaasadda lagu hogaaminayo wasaaradda.
ii. Isku xidhka Wasaaradda iyo hay’addaha kale ee Xukuumadda
iii. Kala talinta Madaxweynaha soo saarida amarada fulinta, xeer hoosaadyada,
ogaysiisyada iyo arimaha kale ee madaxweynahu xeer u xilsaaray ee la xidhiidha
arimo hoos-yimaada Wasaaraddiisa.
iv. Dejinta siyaasadda iyo halbeegyada xilgudashada Wasaaradda isaga oo ka
duulaya siyaasadda guud ee xukuumadda u dejisan, kuna salaysan ka midho
dhallinta qorshaha horumarineed ee saamaynaya dhinacyadda maamulka iyo
maaraynta guud, hiigsashada horumarin dhaqaale salbalaadhan, hagaajinta
addeegyada bulshada ee daruuriga ah, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah,
iyo suggidda, adkaynta midnimadda ummadda ee ku wajahan jiritaanka
Dawladnimada somaliland ee u dejisan xisbiga Xukuumadda ee soo saaray
Madaxweynaha.
v. Dejinta qawaacida (Nidaamka) lagama maarmaanka u ah xilgudashadooda oo ay
ka mid yihiin fulinta siyaasadda iyo ujeedooyinka Wasaaradda, qorshaha iyo
maamul wanaagga.
vi. Hagidda iyo ku hubinta maamulka Wasaaradda la jaanqaadka siyaasadda guud
ee Xukuumadda ee ku wajahan himilooyinka loo dejiyey Wasaaradda.
vii.Hirgelinta xeerarka la xidhiidha xilka Wasaaradda,
viii.Isticmaalka awooddaha Wasaaraddu ku leedahay hay’addaha, wakaaladdaha iyo
shirkadaha Wasaaradda hoos yimaada si waafaqsan xeerka.
ix. Gudashada xil kasta oo xeer u jideeyay.
x. Dejinta hab iyo hannaan si xilli-le ah loogu qiimaynayo xil gudashada
Wasaaradda, kaas oo uu sannad kiiba mar Madaxweynaha hor dhigayo.
xi. U gudbinta ku talo galka Miisaaniyadda Wasaaradddiisa Madaxweynaha isaga oo
u marinaya Wasaaradda maaliyadda ku talo galka kharashka Wasaaradda ee
sannad maaliyadeedka dambe isaga oo ka duulaya warbixinada, hay’addaha,
wakaaladdaha iyo mas’uuliyiinta hoos yimaada Wasaaradda.
xii.Saxeexida Waaranada Guud iyo mashaariicda.
xiii. Magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada markuu la tashado
Agaasimaha Guud.
xiv. Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xanbaar-san ciqaabo hadaan
xeer awood u siin, wuxuu soo saari karaa
C) Awoodaha Wasiirka; awoodaha Wasiirku waa;
i. In uu u igman karo qayb ka mid ah xilkiisa Saraakiisha ama Hawl-wadeenada
hoos yimaada si Xeerka waafaqsan.
ii. Iyada oo ay ka reeban tahay soo saarista amaro xambaarsan ciqaab, hadaan xeer
awood u siin, wuxuu soo saari karaa: –
b. Wareegto wasiir: oo ah qoraalo rasmi ah oo wasiiradu ku dhaqangeliyaan
siyaasadda xukuumadda, isla markaana lagu tayaynayo shaqada iyo xilgudashada.
t. Amarro wasiir: oo ah qoraalo rasmiya oo si gaara loogu socodsiiyey cid gaar
ah, isla markaana la xidhiidha arin khaas ah.
iii. Wasiirku wuxuu ku leeyahay hay’addaha, wakaaladdaha ama shirkadaha hoos
yimaadda kormeer taas oo ay hagayaan. –
b. Dhiirigelin iyo kor u qaadid la xidhiidha xilkooda, iyada oo la siinayo fursad
intaan wasiirku isticmaalin awoodiisa.
t. Iyada oo aan waxba loo dhimayn awooddaha, khibrada aqooneed ee Xeerku
siiyey hay’addaha kale ee Xukuumadda waxaa kormeerka loo raacayaa sida
xeerku dhigay.
j. Iyada oo aan waxba loo dhimayn kaalinta Wasaaraddu ku leedahay
hay’addaha, wakaladaha ama shirkadaha, hadana awoodda Wasaaradda
waxaa loo raacayaa si waafaqsan xeerkan.
iv. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Qodobka 23aad
Awooddaha iyo Waajibaadka Wasiiru-Dawlayaasha
Xilka iyo Waajibaadka Wasiiru-dawlaha waa:
1. In uu ka madax noqdo Waaxda ama qaybta Wasiirku u xilsaaro ee muhiimka u ah
isku xidhka arrimaha siyaasadda guud ee wada shaqaynta hay’addaha’ Wasaaraddaha,
iyo laamaha kale ee dowladda si waafaqsan higsashadda qorshashaha guud ee
xukuumadda.
2. Inuu ka caawiyo, kalana talliyo wasiirka fulinta iyo meel marinta hawlaha
Wasaaradda iyo himilooyinkeeda.
3. In uu ka gacan siiyo wasiirka hawl kasta oo la xidhiidha hawlaha Wasaaradda si ay u
muuqato in Wasaaraddu cagta ku hayso himilooyinka horumarineed ee loo igmadday.
4. In uu si ku meelgaadh ah u fuliyo xilka wasiirka marka uu maqanyahay ama gudan
karri waayo xilkiisa, ama jagadu banaanaato hadaan si kale xeer u jideyn.
5. Marka ay jiraan in ka badan hal wasiiru dawle, hadaan Madaxweynuhu midkood si
gaara ugu xilsaarin xilka Wasaaradda, wuxuu wasiirku midkood u sii xilsaari karaa sii
wadida hawsha Wasaaradda, markuu maqanyahay.
6. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Qodobka 24aad
Xilka iyo Waajibaadka Wasiir Ku-Xigeenka
Wasiirk kuxigeenku wuxuu:
1. Leeyahay xilka iyo waajibaadka wasiiru-dawlaha marka aan Wasaaraddu lahayn
wasiiru dawle.
2. Ka caawiyo wasiirka hawlaha iyo shaqada Wasaaradda.
3. In uu qabto wixii uu u xilsaaro Wasiirku.
4. In uu ka madax noqon karo qayb ama waax marka wasiirku u igmado.
5. In uu qabtaa hawshii kale ee wasiirku u igmado.
6. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Qodobka 25aad
Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud
Agaasimaha Guud oo ah madaxa maamul ee Wasaaraddiisa oo uu magacaabidiisa iyo xil
ka qaadistiisa uu Madaxwaynuhu leeyahay xilkiisa iyo waajibaadkiisu waa
1. Fulinta barnaamijyada shaqo maalmeedka Wasaaraddiisa.
2. Daba-galka iyo qiimaynta shaqada, shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha iyada oo la
raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda
3. Xidhiidhinta Xarunta iyo Gobollada.
4. U soo gudbinta wasiirka warbixino ku saabsan halka shaqada Wasaaradddu marayso.
5. Xidhiidhinta iyo Dabagalka hawlaha horumarineed ee Wasaaradda.
6. Diyaarinta Qorshaha Wasaaradiisa.
7. Ka qaybgelida shirarka farsamo ee heer caalami ee loo xilsaaro.
8. Kor u qaadista sawirka ama muuqaalka hay’adiisa.
9. Diyaarinta iyo isku dubaridka miisaaniyadda Wasaaraddiisa isagoo/iyadoo la
xidhiidhay, agaasimayaasha waaxaha, saraakiisha goboladda/degmooyinka ee sar sare
iyo dadweynaha Wasaaraddu u adeegto marka ay lagama maarmaan noqoto si uu ugu
gudbiyo wasiirka.
10. Kor-joogtaynta iyo hubinta isu dheelitirka dakhliga iyo kharashaadka.
11. Soo saarista xisaab xidh sannadeedka.
12. Qabashada shirarka shaqaalaha Wasaaradda.
13. Kormeerka waaxyaha iyo soo saaritaanka dhaliilaha shaqadda, iyo u soo gudbinta
wasiirka Xubnaha mutaystay.
14. Xidhiidhiyaa/ xidhiidhisaa hawlaha shaqo ee todobaadlaha ah.
15. Hawlgelinta shaqaalaha iyo hubinta hawl gudashadooda iyo wixii kale ee xeer u
xilsaaro.
16. Hirgellinta nidaamka diiwaangelinta waxqabadka shaqaalaha iyo joogtaynta ka
warbixintooda.
17. Hawgelinta iyo hagidda gudiyada Wasaaraddiisa ee agaasinkiisa hoos yimaada.
18. Qorshaynta iyo diyaarinta tabo-barada shaqaalaha.
19. Dersidda baahida shaqaale ee Wasaaradda iyo soo jeedinta kor dhintooda.
20. Soo jeedinta magacaabista iyo isku bedelka Agaasime Waaxeedyada.
21. Kharashgaraynta kharaashaadka ku jira miisaaniyadda iyo mashaariicda.
22. Dejinta halbeegga waxqabad iyo kala sarraynta waxqabadka waaxyaha si loo
joogteeyo abaal-marinta shaqaalaha.
23. Dejinta halbeegga shaqo wanaaga madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha.
24. Dejinta halbeega waxqabadka iyo kala sareynta waxqabadka waaxyaha si loo
joogteeyo abaalmarinta shaqaalaha.
25. Ka qaybgelida shirarka farsamo ee heer caalami ah.
26. Ka qaybgelida dejinta qorshaha qaranka isagoo ka wakiil ah wasaaradiisa.
27. Gudoominta gudida anshaxmarinta shaqaalaha wasaaradda.
28. Iyo xilka iyo waajibaadka kale e ay u xilsaaraan Xeerarka dalku.
Guntii  iyo gabagabadii waxaan ku talinayaa in xeerkan oo ansax ah la dhaqan galiyo lana fuliyo sidaa hadaynu yeelo waxaa dhab ah inuu masuul kastaa ka midha dhalin doono hawlaha uu qaranka u hayo.

W/Q: Garyaqaan Jamaal Cabdilaahi Muxumed

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaan Dhiga

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

 

 

Wixii falcelin ah igala soo xidhiidh: 0634410163