Khudbaddeenna Jimcaha ma Wanaajinnaa?

0
99

Waxa la jideeyey maalinta Jimce in la oogo salaad wadata khudbad ka horraysa. Akhrinta khudbaddu keliya ma aha sharfid la sharfay khudbadeeyaha ee waa masuuliyad la saaray.

Waa la sheegi og yahay qofka dhagaystaha ah waxa looga baahan yahay: in uu soo maydho, xilli hore yimaaddo, aanu hadal, laba wada hadlaya aanu aamusiin, ka mashquulin khudbadda. Balse waa dhif in aad aragto wadaadka intaa akhrinaya oo isagu sheegaya waxa looga baahan yahay, ama in aad habdhaqankiisa ka aragtid.

Khudbadeeyaha waxa looga baahan yahay in uu hanto qalbiyada dhagaystayaashiisa, waxa uu ka hadlaya qalbigiisa ka soo baxo ee aanu afka uun u dhaqdhaqaajin, dhagaystayaashiisu waa in ay dareemaan hadalkiisu in uu miisaan leeyahay si ay u weeleeyaan. Ubucda hadalkiisu waa in ay ahaato xusuusinta Ilaahay, waxqabadyo if iyo aakhiro ay ku liibanayaanna u sheego.

Jaabir Bin Cabdillaahi waxa laga hayaa sida Muslin soo saaray in uu yidhi, ”Kolka uu khudbadaynayo Rasuulku indhihiisu waa ay casaan jireen, codkiisa kor buu u qaadi jiray, hadalkiisana cadho ayaa ka muuqan jirtay, waxa aadna moodday dige ka digaya col.”

Waxa aynu ka faa’idaysanaynaa in Rasuulku NNKH hananayey qalbiga cidda uu la hadlayo. Kolka aad si jilicsan u hadasho iyo kolka hadalkaagu kululyey isku si dhagaha dadka u geli mayaan. Hadalkaa korka loo qaadaya qalbigii baxayey ayuu ka dhigayaa mid soo jeeda. Jaabir bin Samra waxa uu sheegay sida Muslin iyo Abu Daa’uud soo saareen, in Rasuulku khudbad kasta akhrin jiray ayaadaha Quraanka si uu dadka u xusuusiyo.

Xeeldheerida u baahan in ay ka qaataan wadaaddada khudbadda jimcaha akhriyaa Rasuulka waxa ay tahay habdhaqankiisi ahaa in uu wakhti aad u kooban khudbadda akhrin jiray, kuna sifeeyey qofka soo kooba in uu yahay mid fahankiisa diineed sarreeyo.

Camaara Bin Yaasir waxa uu Rasuulka NNKH ka wariyey in uu yidhi, waxa aan ka maqlay Rasuulku in uu yidhi, “Dheeraynta uu dheereyo ‘Imaamku’ salaaddiisa, soona

koobo khudbaddiisa waxa ay astaan u tahay fahankiisa.” Xadiiskaa waxa soo saaray Muslin.

Maanta khudbaddeenna iyo salaaddeenna tee baa dheer? In ku dhow saacad ayey khudbadeeyaan maalintii wadaaddadeennu, garanna maysid wax aad ka fahantay badidood.

Haddii aad hareerahaaga yar daymooto waxa aad arkaysaa dhagaystayaashii khudbadda yimid oo farahooda ku mashquulsan; luloonaya, gama’san, intaa ay fadhiyaanna karaahiyo dareemaya, kolka salaadda laga baxana aad mooddo in bahalo eryanayaan sida ay albaabka u boobayaan

Imaam Ibnu Qayim Al-Jawsi kitaabkiisa la yidhaa Saadul Micaad si qotodheer ayaa uu uga hadlay sida ay ahayd khudbaddii Rasuulku. Ibnu Qayim waxa uu ka warramay habka uu khudbadda u akhrin jiray, sida ay ahayd khudbaddiisu, waxa uu ka hadli jiray. Intaa oo aynu si gonda-deg ah u fahanno hubaal waxa aynu qabatimaynaa sida ay ahayd khudbaddii hormoodkeennii noloshu.

Ibnu Qayim waxa uu sheegay in Rasuulku ku furfuran jiray khudbaddiisa mahadinta Ilaahay, weynayntiisa, ka dib dulucdiisa geli jiray isaga oo codka kor u qaadaya, in uu soo koobi jiray khudbaddiisa, dheerayna jiray salaadda, in badanna xusuusinta Ilaahay ku raagi jiray, isaga oo kalmadaha urursan ee koobsanaya dhammaan hadalka abbaaraya.

Rasuulku wuxu ahaa mid dadkiisa la dareen ah, la duruuf ah, isaga iyo duulku madaxda u yahay gaadh uma dhaxayn, looma kala warramayn, dhacdo walba oo ay ku sugan yihiin waa uu kula sugnaa, waana sababta dhib iyo dheefba uu ula qaybsanayey. Iyaga oo gaajaysan gurigiisa dab laguma shidayn, dhibtooda iskama uu dhego marinayn, waxa ay u baahan yihiin isagaa hortood garan jiray, waana sababta haddii roob la’aan laga cabanayo isagu khudbaddiisa uga hadli jiray, ugana ducayn jiray.

Khudbadeyaasheennu waa in ay isu diyaariyaan habka ugu habboon ee ay u jeedin lahayeen khudbad waxtar leh oo loo aayo. Khudbad daaran xusuusinta Ilaahay, in laga baqo, laga xishoodo, loo hoggaansamo fulinta awaamirtiisa, la falin waxqabadyo aanu raalli ka ahayn, dadka dhagaystayaashaana lagu dul akhriyo aayaadka Quraanka iyo axaadista sugan si qalbiyadoodu u dabcaan, uguna xasilaan xusuusinta la xusuusinayo, waa in qofka masaajidka galay aanu kaga soo bixin sidii u ku galay