Dab xooggan oo ka kacay California

Kumannaan qof ayaa ka barakacay guryahooda ku yaal koonfurta gobolka California, ka dib markii uu halkaa ka kacay dab ay huriyeen dabaylo xooggan.

Dabka ayaa ka kacay deegaanka Ventura ee waqooyiga Los Angeles, waxaana uu saddex jibaarmay saacadihii lasoo dhaafay.

In ka badan 150 dhismo oo uu ku jiro cisbitaal dhimirka ah, ayaa ku gubtay dabkaasi, waxaana uu koronto la’aan dhigay ku dhawaad rubuc milyan guri.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan meel u dhaw Los Angeles ayaa sheegay inuu arkay qiiq kacay oo xiray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi gala.

Barasaabka California, Jerry Brown ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegtay in dabeylaha ay socon doonaan dhowr maalmood.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada + Magacyadooda
Daawo: Khudbadii uu Daahir Riyaale Kaahin ka Jeediyey Xilwareejintii Madaxtooyada
Daawo: “Xilka Qaranka Waa loo kala Saraynayaa balse Sharcigaa Saraynaya” Muuse Biixi
Daawo: Nuxurka Khudbadii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo
Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay in Khaatumo Diyaar u tahay Somaliland lawada leeyahay
“Anigu Waligayba Waan Dhici Jiree Tani waxa ay ku Fiicnayd Cabdiraxmaan Ciro” Guddoomiyaha Ucid
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.