Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay

Hargeysa (Waaheen) – Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, isaga oo sidoo kalena ammaan u jeediyay Madaxweynaha xilka ka sii degaya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu sidoo kale bogaadiyay Musharrixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo Md. Faysal Cali-Waraabe, Komishanka Doorashooyinka iyo Ciidamada Qaranka JSL oo uu xusay inay kaalin lama-illaawin ah ka qaateen guushii quruxda badnayd ee qaranku ka gaadhay doorashooyinka.

“Dadweynaha Somaliland oo si nabadgalyo ah codadkoodii u dhiibtay ayaan iyagana runtii aad u hambalyaynayaa” ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Suldaan Cumar waxa uu ummadda ugu duceeyay in Ilaahay ammaanka u xoojiyo, isaga oo sidoo kale na ugu baaqay in ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ay doorteen ku garabgalaan wanaagga iyo horumarinta qaranka. “Waxaan rejaynayaa inay ummadda isku wadi doonaan, ka ka leexda soo qabtaan, ka durugsan soo dhoweeyaan, ka la joogana wanaajiyaan” ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanku waxa uu ammaan usoo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku bogaadiyay doorashada quruxda badan ee uu suurtogaliyay, isaga oo aan weliba tartamayn.

“Kenya ayaynnu ogayn doorashadeedii wixii ka dhacay, Mugaabi oo 37 sanno dalkiisa haystay oo ilaa hadda xukunkii budh lagaga furfuri la’ yahay maalmahan waad maqlayseen” ayuu yidhi, isaga sii raaciyay “Madaxweynaheenna iminka jooga ee Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” runtii markii horana dulqaad badan buu soo sameeyay oo waa kii 80 cod ku tanaasulay, maantana wuxu muujiyay inuu diyaar u yahay in uu xilka u wareejiyo sidii wanaagsanayd ee isaga loogu wareejiyay oo kale.”

“Madaxweyne Siilaanyo ammaan buu mudan yahay, in la hambalyeeyo ayuu mudan yahay, in la xuso na wuu mudan yahay. Waxaan leeyahay Ilaahay inta cimrigaaga ka hadhay nabad iyo naxariis iyo nolol wanaagsan ha kuugu dhammeeyo”.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan-Soolteelko ayuu isagana Suldaanku ku bogaadiyay waxqabadka uu caasimadda ka hirgaliyay muddooyinkii ugu dambeeyay.

“Waxa kale oo aan bogaadinayaa Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Solteelko” oo isaguna dedaal badan muujiyay, waxqabad badanna sameeyay oo ay ka mid yihiin waddooyinkan caasimadda meel walba laga hirgaliyay. Si gaar ah, waxaan ugu bogaadinayaa sida wanaagsan ee uu isaga xilsaaray Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo uu dhammaystiray baahidiisii ugu mudnayd”.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu ugu dambayn tacsi u diray dadkii dhowaan ku geeriyooday shaqaaqooyinkii ka dhashay natiijadii doorashooyinka madaxtinnimo ee dalka, isaga oo inta dhaawaca ahna u rejeeyay in Ilaahay caafimaad degdeg ah ugu deeqo.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada + Magacyadooda
Daawo: Khudbadii uu Daahir Riyaale Kaahin ka Jeediyey Xilwareejintii Madaxtooyada
Daawo: “Xilka Qaranka Waa loo kala Saraynayaa balse Sharcigaa Saraynaya” Muuse Biixi
Daawo: Nuxurka Khudbadii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo
Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay in Khaatumo Diyaar u tahay Somaliland lawada leeyahay
“Anigu Waligayba Waan Dhici Jiree Tani waxa ay ku Fiicnayd Cabdiraxmaan Ciro” Guddoomiyaha Ucid
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.