ADIGA AYAA KA WEYN CARQALADAHAAGA!!

2017 aynu immika dabaayadiisa ku jirno, intii aanad soo gaadhin; waxa aad ku fikiri jirtay in aad samayn doonto isbedel weyn!.

Dedaal xumo se!, kamaad kicin halkii aad fadhiday Sannadkii 2016-kii!; waxaana kugu dul dhammaanaya 2017-kii shalay aad ku hamiyaysay in marka aad gaadho isbedel weyn aad samayn doonto!!.

Waxa kaliya ee isbedbedalayay ayaa ahaa Saacadaha, Maalmaha, Bilaha iyo Isla tirada Sannadka Balse adigu waa isla adigii uun!!!.

2018-kii ayaa foodda inagu soo haya, haddii uu Alle kuu saamaxo, waxa aanad iska sii fadhiyi isla halkii aad fadhiday sannadadii hore!!!, haddii aanad samayn ficil hore u socod; oo aanad la iman halgan dheeraada oo aad la gasho Naftaada iyo Shaydaanka, kuwaas oo ah labada cadow ee ugu awoodda badan marka laga hadlayo dhanka isbedelka wanaagsan.

Waad u soo taagnayd iyada oo qayrkaa gaadhayaan horumar la taaban karayo, balse ma jirin adiga laftigaaga wax kaa hortaagan oo aan ahayn isla adiga uun!!!.

Waxa aad ku jirtay nolol miirdoosoon oo kale ah ( aan soo jeedin) taas oo ku dhaafisay xaqiiqooyinkii dhabta ahaa iyo waliba fursadihii ku soo maray balse aanad dareensanayn!!.

Maad aqbashay in aad sidan sii ahaato oo waad is dhiibtay?

Ma waxa aad rabtaa in uu Wadku kuu yimaado adiga oo sidan iskaga dabbaalanaya xumaan iyo dhibaatooyin nololeed oo aad masuul ka tahay adigu?

Maanta in aad xaadhxaadhato dariiqii aad u mari lahayd samaanta iyo wanaajinta Naftaada wali waad awooddaa, se adiga ayaa iska aaminay in aanad dhaqaaqi karin

Xadhiga adag ee dabarka ku noqday naftaadu waa isla adiga!!

Carqaladuhu nolosha kama dhammaadaan oo nolosha laftigeeda ayaaba ah carqalad, balse waxa ay leeyihiin xal lagu dhaafo oo loogu gudbo carqalad kale.

La kaalay calool adayg, hadaf cad, jidh aan ka daalin ka horaynta qayrkii iyo qorshe maangal ah oo lagu dajiyay caqli bilaa caadifad ah.

Iska ilaali in aad si laab-lakac ah aad u qorshayso hadaf, sababta oo ah taas laftigeeda ayaa ah quwad jabka shaqsiga.

Talo saaro Alle oo hagaaji xidhiidhka aad la leedahay, waxa hubaal ah in ay noloshaadu samaan doontee.

Ka saar maskaxdaada dhaawacyadii hore iyo xusuusihii qadhaadhaa adiga oo u beddelaya casharo aanad dib ugu dagmi doonin.

Beddel Asxaabtaada kugu sababaya in aad ku soo laabato isla Deegaankii hore ee bilaa horumarka ahaa oo ku beddel Deegaan ka qurux badan kana wanaagsan oo kuu horseeda badhaadhe.

Haddii aad rabto in aad samayso isbeddel weyn oo aad ku gaadho horumar, Beddel hanaankii aad u noolayd (Qaab Nololeedkaagii hore).

Guusha waxa hanta kuwa u dhabar adayga ee aan isdhiibin; kalsoonidoodana dhisa.

Nooloow nolol soo jeedda!!.

NAFTAADA MARKAAD HABAYSO

NITAAQANA AAD U DIIDO

NARUURANA AAD LA DOONTO

NUURKII NOLOSHAAD HESHAAYOO

NEECAW BAAD DUGAASHATAA

NAXLIYO XUMAHANA NACDAA

NAQ DOOGLENA AAD DEGTAA.

Xamse Tudhaale: Qoraa ka faallooda horumarinta hab-fikirka Aadamaha iyo tayaynta shaqsiyadda ah Tabobare wax ka dhiga Akaademiga Dhiirrigelinta iyo Tabobbarada Ee Tudhaale (Tudhaale Motivation and Training Academy)


Mobile: 0634410163

Email: qoraaxamze@gmail.com

Filed in: Articles

You might like:

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada + Magacyadooda
Daawo: Khudbadii uu Daahir Riyaale Kaahin ka Jeediyey Xilwareejintii Madaxtooyada
Daawo: “Xilka Qaranka Waa loo kala Saraynayaa balse Sharcigaa Saraynaya” Muuse Biixi
Daawo: Nuxurka Khudbadii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo
Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay in Khaatumo Diyaar u tahay Somaliland lawada leeyahay
“Anigu Waligayba Waan Dhici Jiree Tani waxa ay ku Fiicnayd Cabdiraxmaan Ciro” Guddoomiyaha Ucid
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.