Guddida Doorashada Oo Maanta Bilawday Tirinta Codadka Hargeysa, Bulshada Uga Digay Natiijooyinka Been Abuurka Ah

0
180

Hargeysa(Waaheen):-Guddida doorashooyinka somaliland ayaa ka hadlay halka ay marinayaan tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii madaxtooyada somaliland ee isniintii ka dhacday dalka.


Gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay inay maanta bilaabeen hubinta codadka gobolka Maroodijeex waxaanu yidhi “Hargeysa wali maanu tirin lamana bilaabin, hada ayaanu qaban qaabadeedii wadnaa oo aanu nidaamkii saxnay Maanta  ayaana la bilaabayaa, xisbiyaduna way joogaan oo xisbi kasta 10 xubnood ayaa u jooga.”
Guddida doorashadu waxay bulshada somaliland uga digeen wararka been abuurka ah ee la xidhiidha natiijada doorashada madaxtooyada.

Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo ka hadlaya dhibaatada ka dhalan karta natiijo been abuur ah oo la faafiyo ayaa waxa uu yidhi “Waxaan sheegayaa inay keeni doonto isku dhac iyo kharbidaad wadankan ku dhacda waayo haddii ay natiijo hayaan muraaqibiintu oo ay goobta ka soo qorteen waxa laga yaabaa in marka aanu bilawno sixideeda ay isbadasho oo ay hoos u dhacdo ama kor u kacdo maxay yeelayaan marka ay natiijada aanu soo saarnaa ka duwanaato waxa suuqa yaala soo isku dhac la keeni maayo.”

Guddida Doorashada ayaa xisbiyada uga digay inaanay buuq ku abuurin dadkii codkooda siiyey waxaanu yidhi “Maxaa loo wareerinayaa shacabka, maxaa jaah wareerka loogu ridayaa dadkii masaakiinta ahaa ee fartooda idiinku codeeyey, shalay ayeynu doorashada ka baxnay doraadna waxay ahayd markii la war warsanaa.”ayuu yidhi gudoomiye Cabdiqaadir Iiman oo u waramay HCTV