Guddida Doorashada Oo Ku Hanjabtay Inay Talaabo Ka Qaadayaan Cidii Warar Been Abuur Ah Faafisa Iyo Taageerayasha Dabaal Deg Sameeya

0
155

Hargeysa(Waaheen):-Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa soo bandhigay talaabo ay ka qaadayaan dadka bilaaba xaflado dabal dagyo ah  iyada oo aanay soo bixin natiijada rasmiga ah ee doorashada madaxtooyada somaliland.


Afhayeenka guddida doorashada oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Anaga oo waliba talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cidii dabaal degta ee xusas samaysa.”
Afhayeenka guddida doorashooyinka somaliland Siciid Cali Muuse ayaa shaaciyey inaan la rumaysan natiijooyinka been abuurka balse laga war sugo guddida doorashada waxaanu yidhi ““Waxaanu doonaynaa inaanu dadka u sheegno ma jirto wax ka soo baxa guddida doorashada mooyaane wax kale oo rasmi ah oo natiijo ah oo soo baxaysaa, haddii natiijo soo baxdo waxay ka soo baxaysaa guddida doorashada, wixii kale ee laysla dhex wareegayo ama laysla dhex marayo ama cidii dabaal dagaysa iyaga ayey jirtaa.”ayuu yidhi Afhayeen Siciid Cali Muuse oo u waramay HCTV.