Tirinta Codadka Doorashada oo Socotay iyo Barihii Bulshada Oo la xidhay

Hargeysa(Waaheen):-Goobaha codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa la xidhay fiidnimadii shalay si loo tiriyo Codadka ka soo baxay Guud ahaa Jamhuuriyada Somaliland.

sidoo kale waxa guud ahaanba la xidhay oo hawada laga saaray Baraha ay ku kulmaan bulshadu ee loo yaqaano SOCIAL MEDIA.

Goobaha ay ka socotay codbixinta doorashada madaxtooyada somaliland ayaa markiiba waxa si rasmi ah uga bilaabmaya tirinta codadka ay dhiibteen shacabka somaliland ee kala dooranayey murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiyada qaranka somaliland.

Dhinaca kale waxa xalay hawada laga saaray baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook iyo WhatsApp, Mesenger iyo kuwa kale, iyada oo laga cabsi qabo in lagu baahiyo warar la xidhiidha natiijada doorashada oo been abuur ah. inkasta oo Wali jiraan Dad isticmaalaya oo Barnaamijyo kale kusoo galay oo dhuumasho ah, hase yeeshee kuwaasi waa dad tiro yar oo aan saamayn ku yeelan karin bulshada inteeda badan

 


Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.