Madaxweynaha Somaliland Oo Si rasmiya u Codeeyey Doorashada Madaxtooyada

Hargeysa(Waaheen):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Saaka Codkiisa Ka Dhiibtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa koowaad marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde oo gudanaya waajibaadkooda muwaadin-nimo ayaa saaka ka codeeyay xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargaysa.

Goobtaasi oo ah meelaha  ay dadweynuhu ka codaynayeen komishankuna ay dhigeen sanaaduuqda codbixiyaaysha ee doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee lagu dooranayo madaxweynaha bedeli doona madaxweyne Silaanyo.

Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa waxa madaxweynaha kusoo dhaweeyay Guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo musharaxiinta xisbiyadda KULMIYE iyo UCID oo iyaguna isla goobtaasi ka dhiibanayey cod kooda

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.