Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey Amarka Hakinta Baraha Bulshada ee Internetka Iyo Wakhtiguu Xidhnaan Doono

“Maalinta doorashada marka ay codayntu dhamaato waxa la xidhayaa Baraha Bulshada” Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka

Komishanka doorashooyinka ayaa shaaciyey hakinta wakhti kooban oo la xidhi doono baraha bulshada ee Internetka.

Komishanka ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xafiiskooda, iyaga  oo sidoo kale warbixin ka soo jeediyey dhamaadka ololaha doorashooyinka madaxtooyada Somaliland.

 

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka  C/qaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyey Xidhitaanka baraha bulshada iyo dhamaadka ololaha.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo ka hadlaya xidhitaanka baraha bulshada ayaa waxa uu yidhi   “Waxaanu go’aan ku gaadhnay amarna ku siinay shirkadaha in baraha bulshadu ku sheekaysato la xidho muddo, waana la hakinayaa ee gabi ahaanba lama xidhayo, waanu ku amarnay inay shirkaduhu go’aankaasi fuliyaan waanay nala qaateen, waxaananu isla garanay shirkadaha isgaadhsiinta in maalinta doorashada in maalinta doorashada marka ay codayntu dhamaato waxa la xidhayaa lixda makhribnimo, saacadaasi laga bilaabo oo ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada doorashadu waxa ay noqon doonaan baraha bulshadu kuwa ka xidhan Jamhuuriyadda Somaliland”.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey goobaha la xidhayo ee baraha bulshada waxaanu yidhi “Goobaha la xidhayo waxa ka mid ah ka loo yaqaano Facebook, Twitterka, Snapchatka, Flickerka, Instgramka, Whatsappka, Viberka, IMO, DEO, LinkedIN, Tango, Google Plus iyo Lamo, laakiin waxaanu rabnaa inaanu dadka reer Somaliland u sheegno in aanay haba yaraatee jiri doonin wax Internet ah oo laga xidhayo dalka”.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo isna faahfaahin ka bixiyey dhamaadka ololaha iyo wixii ka dambeeya nidaamyada loo baahan yahay ayaa waxa uu yidhi  “Maanta (Shalay)  oo Jimce ah oo 10 November ah, waxa inoo soo gabo gaboobay oo aynu soo xidhaynaa 6 Galabnimo Ololeyaashii loogu banbaxayey dalka oo dhan ee xisbi kastaa maalin lahaa ee xisbi kastaana tijaabinayey ama isku dayey inuu ku hanto quluubta shacabka Somaliland waa soo dhamaatay, xisbi kastaa maalinbuu lahaa talantaaliya, xisbi kastaana waxa uu lahaa todoba cisho, waxaan filayaa xisbiyadu inay ka dhargeen oo maanta bas taagan yihiin in laga joojiyo, waanu ugu talo galnay wakhtigu wuu idinku filnaa ka qaadate intii aad ka buuxsan karayseen, waxaanu halkan amar ku faraynaa lixda galabnimo laga bilaabo inaan loo ogolaanayn inuu xisbina banaanbax sameeyo inuu xisbina isaga oo koox koox ah dibada u soo baxo in xisbina 21 cisho ee la soo dhaafay wixii aynu samaynayna sameeyo looma ogola, Ciidanka qarankana waxaanu halkan ka faraynaa in xisbiga ku kaca gacan bira ku qabtaan”.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.