AKHRISO Qormo Cajiib ah:.Yaa ku guuleysanaaya Doorashada Madaxtenimo ee Somaliland ?

Maqaalkan waxaan ku eegayaa ama ku falan-qeynaynaa xaaladda saadaasha doorashadda Somaliland : Iyaddoo ay soo geba-gabowday ololihii doorashadda ee ay bilihii la soo dhaafay ay ku-jireen Axsaabta siyaasadda ee Somaliland , ka hor doorashadda guud oo dhacaysa Maalinta Isniinta ee bishan 13-ka November, isla-markaana loo dareeri doono goobaha coddeynta dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay Jamhuuriyadda Somaliland . Sanaadiiqda  ayaa waxaa la geynayaa . in ka badan 1,642-da goobood ee laga codayn doono.

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso . Doorashadaasi Xisbigee ayaa la saadaalinayaa inuu guusha la hoydo?

Ma kan Muuse Biixi ee xisbul Xaakinka Kulmiye mise Xisbiyadda Mucaaradka Waddani Iyo Ucid.

Sadex Musharax ee xisbiyadaasi kala hogaamiyase kee soo jiitey kalsoonida dadweynaha Somaliland?

Qodobada ugu waaweyn doorashadda waa kuwee?

Maxayse sadexda hogaamiye ka yidhaahden umuuraha: Horumarka JSL Iyo Qadiyadda Somaliland.

Hadaba Saadaasha laga sameynaayo ee arimaha doorashadda, dhamaantood waxaa ay tilmaamayaan in uu doorashadda ku guuleysan doono xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye.

Haddii aan u soo leexano hogaamiyayaasha sadexda xisbi, Muj. Muuse oo ah hogaamiyaha xisbiga kulmiye ahna xisbul -xaakinkii wadanka ama Inj feysal iyo Mudane cirro oo ah hogaamiyaasha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid iyo waddani.

Musharax Muuse Biixi ayaa nin in badan ku soo dhex jirey Halgankii , Nabadeyntii  iyo siyaasadda S/land .isla-markaana  uu xisbigiisu taladda wadankana hayey sideedii sano ee la soo dhaafay. Waana nin si aad ah dadku u aaminsan-yihiin Go,aan qaadasho lagu yaqaano . Waxaa kaloo u Biixi  aad ugu horeeyaa xagga khudbadaha iyo isticmaalka ereyada dadka soo jiita. Taasi oo keentay in taageeradda dadku u hayaan ay kor u kacday, iyaddoo dadweynaha badankood ay aaminsan yihiin inuu xagga xirfadaha siyaasadda uu kaga horeeyo nimanka ay iska soo horjeedaan . sida  Cabdiraxmaan Cirro  oo isaga Dadku ay si fiican u garanayaan inuu 12sano ugu danbeeyey golaha wakiilada Somaliland odeygooda ahaa oo ay dad badani u arkaan inaanu jagada dalka ugu sareysa kuba habooneyn.

Dadka arimaha siyaasada falan-qeeya waxaa ay ku dhaliilaan siyaasadda xisbiga waddani siiba Cabdiraxmaan Cirro. Xirsi Cali Iyo Prof Buubaa oo xoog dheeraad geliyey dhaliilitaanka shakhsiyada Muuse Biixi. Tusaale ahaan waxaa loo soo qaataa kelmado ay Prof Buubaa. Xirsi cali Iyo Cirro in badan ku soo celceliyaan iyagoo weeraraya Muuse Biixi. Waxaana ka mid ah kelmadahaasi : taariikhdii madaoobayd iyo gefefkii dagaalkii Sokeeye in la saaro Muuse Biixi. Iyaddoo kuwii taariikhda ku suntanaa. ay iyagu doonayaan inay marin habaabiyaan iyo in la leexiyo , si ay siyaasadooda ugu iibiyaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in aan weeraradda xaga shakhsiyada ahi aanu wax-weyn ku soo kordhinayn wax ay ka jarto mooyaane taageerada ay dadku u hayaan Xisbiga Waddani oo ay sadex koxood ku bahoobeen. Iyaddoo Xisbiga waddani ay dad badani ku eedeyeen iney wax-badan u qarsoon tahay.Waxyaalaha Lagu eedeynayo Xisbiga waddani waxaa ka midda waxaa isugu tegay ragii qadiyadda Somaliland ka soo horjeeday. iyaddoo ay jiraan eedaymaha Soomaali-weyn oo aad loogu dhaliilo.

Arinta la rumeysan yahay iney kaalmeyneyso Muuse Biixi waxaa weeyaan mid ku wajahan xagga horumarka Xisbigiisa Kulmiye. Iyadoo uu waxqabadka wadanka aad u wanaagsan yahay kolkii la garab dhigo xukuumaddii hore. Guushaas oo ay dadku u tirinayaan inuu saldhigeeda Madaxweyne Siilaanyo leeyahay. Taasi waxaa ay noqon kartaa arinta ugu weyn ee guusha u soo hoysa xisbiga Kulmiye iyo in musharaxa kulmiye Muj. muuse uu haysto fursad wanaagsan.

Calaa kuli xaal Dhowaan ayaa ciddii ay dadweynuhu ku aaminayaan taladda wadanka lagu kala bixi doonaa.

cida ku guuleysata doorashada waxaan ogaan doonaa maalinta isniinta ah ee bishu tahay 13-ka november.

Adan Yusuf Elmi.

Filed in: Articles, Videos

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.