Shirka Sannad-laha Ah Ee SOLJA Oo Ka Furmay Hargeysa & Xuska Saxaafadda Somaliland Oo Maanta Ku Beegan

Hargeysa, 9 Noofambar, 2017(Waaheen) – Waxa Shalay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka furmay SHIRKA SANNAD-LAHA AH EE ARRIMAHA SAXAAFADDA SOMALILAND IYO XUSKA MAALINTA SAXAAFADDA ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Shirkan oo Sannad walba la qabto 8-da bisha 11-aad isla-markaana la soo gebogabeeyo Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad walba la xuso 9-ka bisha 11-aad oo ku beegan Maalintii uu Geeriyooday Aabbihii Saxaafadda Somaliland Maxamuud Cabdi Shide oo loo asteeyay inay noqoto Maalinta Saxaafadda Somaliland, ayaa labada Maalmood ee uu socdo waxa lagu fallan-qeeyaan Caqabadaha Saxaafadda iyo Suxufiyiinta haysta, Horumarka dhinaca Agabka ay ku ku shaqeeyaan iyo sidii loo kordhin lahaa aqoonta Suxufiyiinta, si loo helo Weriyeyaal Shacabkooda u gudbiya Warar sugan oo aan lid ku ahayn Horumarka iyo Barwaaqada Dalku hiigsanayo.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Suxufiyiin gaadhaya Boqol iyo Konton Xubnood oo Gobollada Dalka iskaga kala yimid, ayaa waxa marka uu dhamaado waxa Abaal-marinta CAWKE AWARD la guddoonsiiyaa Weriyeyaasha ku guuleysta War-bixinno khuseeya Arrimaha Bulshada oo Sannad walba lagu tartansiiyo War-fidiyeennada, si hoos loogu dhigo Wararka ku saabsan Siyaasadda, korna loo soo qaado Wararka iyo War-bixinnada taabanaya Nolosha Shacabka.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo Furitaankii Shirka Sannad-laha ah ee Arrimaha Saxaafadda Somaliland iyo Xuska Maalinta Saxaafadda, ayaa ka warramay Waxyaabaha ururka SOLJA u qabsoomay muddadii uu Maamulkeeda Gacanta ku hayo. Guddoomiye Xuuto wuxuu sheegay in SOLJA oo kaashanaysa Hay’ado kala duwan ay Tababbarro kala duwan siisay Suxufiyiinta Somaliland intooda badan, Tababbarradaasi oo lagu qabtay Gobollada Dalka, sidaasi darteed ay Tababbaradaasi wax badan ka beddeleen Hannaanka Shaqo ee War-fidiyeennada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha SOLJA wuxuu sheegay inay Geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in Saxaafadda Somaliland ay jidka Saxda qabsato, hawlahaasina ay ugu dambeeyeen Tababbaro la xidhiidha ‘Sida loo tabiyo Wararka Doorashada’ iyo in Suxufiyiintu ka fogaadaan wixii dhibaato u horseedi kara amniga Dalka iyo Dadka, “Waxaanu Saxaafadda kala dardaarmaynaa ka fogaadaan wixii Qarannimada ka hor-imanaya, Hakiyaanna Hadallada Xanafta leh ee Siyaasiyiinta Doorashada ku hirdamayaa is-waydaarsanayaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

Agaasimaha fulinta ee SOLJA Mr. Yaxye oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay Waajibaad iska saareen sidii Tababbaro badan loogu heli lahaa Suxufiyiinta Somaliland, illaa haddana wax badan qabsoomeen, lana sii wadayo dedaalka kor loogu qaadayo Aqoonta Suxufiyiinta.

Shirkan oo furitaankiisa ay Khudbado ku saabsan Anshaxa Saxaafadda ka soo jeediyeen Weriyeyaasha Ruug-cadaaga ah, sida Maxamuud Cabdi Ducaale, Faysal Fadh-fadhle iyo Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ayaa waxa isaguna khudbad muhiim ahayd ka soo jeediyey Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Xildhibaan Jirde wuxuu ka warramay Doorka ay Saxaafaddu ka qaadan karto Horumarka Dalka iyo sida fudud ee ay u waxyeelayn karto haddii si khaldan loo adeegsado, sidaasi darteedna loo baahan yahay in mar walba Suxufiyiintu masuuliyad isa saaraan “Suxufiyiinta Maaha Macsuum oo way khaldamayaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa haddii Suxufigii iyo kii Qaban lahaa isku itaal yihiin, waa in Suxufigu Masuuliyad isa saaraa”

Shirkan, ayaa haddii Alle yidhaahdo waxa Khamiista Maanta soo xidhaya Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo sidoo kalena Abaal-marinta SOLJA bixiso ee CAWKE AWARD uu guddoonsiin doonaa Weriyeyaal wax ka qoray arrimaha Bulshada, ka dib marka la xuso Maalinta Saxaafadda oo Sannad walba xilligan oo kale la qabto.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 1918 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.