Musharraxa KULMIYE Iyo Cabdicasiis Samaale Oo Dardaaran U Jeediyey Muraaqibiinta Xisbiga Ee Cod-bixinta Doorashada Oo Shalay La Tababbaray

Hargeysa, 9 Noofambar, 2017-(Waaheen) – Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa dardaaran u jeediyey Muraaqibiinta Xisbiga goob-joogga uga ahaanaya Goobaha ay ka dhacayso Cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada, oo haddii Alle yidhaahdo qabsoomaysa 13-ka bishan oo Maalmo koobani innaga xigaan.

Wakiillada Xisbiga KULMIYE ee Doorashada Madaxtooyada oo Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland Tababbaro uga fureen Huteello kala duwan oo ku yaalla Hargeysa iyo weliba Magaalooyin Gabiley ka mid tahay Shalay, ayaa waxa la dardaarmay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Musharraxa oo kormeeray Goobaha kala gedisan ee Tababbarkan looga furay Muraaqibiinta, ayaa dhammaantood kula dardaarmay inay fahmaan in Shaqada loo soo xulay tahay Masuuliyad Qaran oo u baahan in loo guto si Xil-kasnimo ah, Daacadnimo ah, maaddaama oo ay Xisbiga Wakiillo uga noqonayaan Goobaha Cod-bixinta Doorashadu ka dhacayso, loona baahan yahay in aanay wax kale kaga mashquulin ilaalinta Sanaaduuqda Cod-bixinta, si looga baaqsado wax is-daba marin hadhow keeni karta khilaaf.

Musharraxa KULMIYE oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta Masuuliyaddu waxay fuulaysaa Dhowr Qof oo iskugu tagaya Qolka Codaynta oo ka kooban Qarankoo dhan, Dawladda, Ciidanka, Komiishanka iyo Xisbiyada, Dhowr Qof oo intaa ka kooban iyo Goob-joogeyaal Ajanabi iyo Reer Somaliland-ba ah, Laakiin Goob-joogeyaashu wax awood ah malaha, Xilku wuxuu fuulayaa intiina kale oo aad Qayb weyn ka tihiin (Haddaad Muraabiinta tihiin), markaa waxa idin fuulaysa Masuuliyadda ah inaad soo saartaan Madaxweynaha Somaliland, Waayo? Wixii halkaa lagu tiriyo ee aad ku heshiisaan ee ka ansaxa ayaa Madaxweynaha soo saaraysa.”

Musharraxa KULMIYE waxa uu sheegay in Muraaqibiintu ay Xilkaa ka soo bixi karaan marka ay bartaan Sharciga, gaar ahaan Xeerka Doorashooyinka “Xilkaa waxaad kaga soo bixi kartaan idinkoo barta Sharciga ama Xeerka, gaar ahaan Awoodda Muraaqibka, maxaa loo ogol yahay, muxuu awood leeyahay, maxaanu Awood u lahayn, intaa haddaad fahamtaan waad shaqayn karaysaan, haddii kale hhawshaa dayacmaysa, haddii Hawshu dayacantana Sharciyaddii Qaranka oo dhan baa Qaldamaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hawl adag adag baa idiin taalla, ma badna oo waa Saddex Qodob, Saddexdaa qodob inaad si wanaagsan u fahamtaan baa wanaagsan, hadhowna si dhiiran oo Sharciga Waafaqsan aad u gudataan waajibkiina. Dhowr WaxyDhowr Waxyaabood ayaan la idin xasuusinayaa, waxa jira Dad Indhahooda uu Sawirka Koombiyuutarku qaban waayay, Dadkaa waxa la

siiyey Shahaadooyin (Aqoonsi ah), Dadkaana waxa ugu badan Dadka deggan dhulka Buuralayda ah, Hargeysaa ka mid ah uguna badan, Ceerigaabo iyo Boorama ayaa ka mid ah. Cilmiyan ma garanayno Sababta uu Sawirku indhahooda u qaban waayey, hadhow waxa laga yaabaa in Qof uu Warqad aan jirin (oo been abuur ah) kuula soo baxo, markaa waa in la hubiyo in Warqaddaasi tahay Warqaddii uu Komiishanku saxeexay, inaad Hubisaan Dadka meesha (Cod-bixinta imanaya) inay ku jiraan Liiska (Magacyada Cod-bixiyeyaashu ku qoran yihiin) oo aanu ahayn Qof liiskaa ka baxsan.”

Musharraxa KULMIYE oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Haddaad wax garan waydaan Qofka qudha ee wixii halkaa ka dhacay inay Khalad tahay Komiishanka ku dacweyn karaa waa Muraaqibka, laakiin isaguna waa inoo yaqaanaa Qodobbada uu ku soo Dacwoonayo, haddaad Qodobbada baal-marto waxaagu waa hadal-tiro ee Dacwad maaha, markaa waa inaad taqaanaa waxaad xuquuq u leedahay iyo waxaanad u lahayn, waxa aad xuquuqda u leedahay waxa ka mid ah agabka, agabka marka halkaa laga qaado illaa inta la soo celinayo waad isku xidhan tihiin, hadduu Roob idin helo, Haddii dhowr habeen la qado, idinka iyo Sanduuqaasi waad iska laa-laaddaan uun, waan gaajooday iyo Gaadhigii baa xumaaday ma jirto, Waayo? Waxaad tahay Markhaatiga Qudha ee ilaalinaya in Sanduuqaasi sidii loogu talo-galay yahay, waa Cadaaladdii.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dhallinyarada Muraaqibiinta Xisbiga, gaar ahaan Raggu ay ka taxadaraan inay Cadhoodaan oo ay khalkhal ka abuuraan Goobaha Cod-bixinta, maaddaama oo ay suurto-gal tahay in Dhallinayaradu markay Saacado badan shaqeeyaan iyaga oo aan waxba cunin ay Cadhoodaan, isagoo tusaale u soo qaatay 1968-dii oo uu sheegay inuu Muraaqib ahaa isla-markaana ay Gaajo darteed waxba kala garan waayeen “Ka Taxadara Ragga Meelaha Fog-fog loo dirayoow, waa lagu Talo-galayaa inaad wax cuntaan oo la idiin diyaariyo, laakiin wax kastaa dhici kara, Roobbaa di’I kara, Baabuurtaa Xanibmi karta.” Ayuu yidhi.

Dhanka kale, sidaa si la mid ah ayaa Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Guddiga soo xushay Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna Shalay Tababbar uga furay Magaalada Gabiley, kuwaasi oo qayb ka ah Muraaqibiinta KULMIYE oo Gobollada Dalka oo dhan Tababbar looga furay Shalay.

Mr. Samaale oo hadal u jeediyey Muraaqibiinta Tababbarka looga furay Gabiley ayaa yidhi “Xisbiga KULMIYE ayaad u shaqaynaysaan, Musharraxiinta, Taageerayasha Xisbiga ayaad u shaqaynaysaan, oo Dalkeenna Somaliland baad u shaqaynaysaan. Waxaynu doonaynaa inaynu Musharraxiinteena soo saarno oo aynu Tartan Xalaal ah ku soo baxno, markaa haba-yaraatee in wax Xaaraan ahi inay Sanaaduuqdaa innaga gasho ma doonayno”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Muraaqibka KULMIYE u jooga Goob ka mid ah Goobaha Cod-bixinta waxa laga rabaa inuu Waajibkiisa u guto sida uu dhigayo Sharciga Siminaarkan la idiinku barayo.”ayuu yidhi.

Tababbarkan oo ahaa Hal Maalin isla-markaana aan ku koobnayn Hargeysa iyo Gabiley, balse Dalka oo dhan ka qabsoomay ayaa Muraaqibiinta lagu baray WaajibHargeysa iyo Gabiley, balse Dalka oo dhan ka qabsoomay ayaa Muraaqibiinta lagu baray Waajibaadkooda Shaqo ee ay Xisbiga iyo Qarankaba ugu xil-saaran yihiin.

Muraaqibiinta KULMIYE ayaa tiradoodu dhan tahay 1,642 Xubnood oo iskugu jira Rag iyo Dumar

 

 

 

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 1914 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.