Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Layeeshay Ururadda Bulshadda Somaliland

Hargaysa(Waaheen)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay   ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland.

Kulankan ay madaxwaynaha la qateen ayuu warbixino kala gadisan kaga dhagaystay madaxwaynahu ururaddan waxaana uu ku adkeeyay xooginta midnimadda Somaliland iyo Xaqiijinta Nabada.

“waxaanu madaxweynuhu ku yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay kulankan saaka aad igu timaadeen. Waxaan idiinka mahadnaqayaa war-bixinta iyo talada balaadhan ee aad ii soo jeediseen. Waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka weyn iyo doorka aad ka qaadataan ilaalinta danaha guud iyo u adeegidda ummadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan aamisanahay, in bulshada rayidka ahi ay kaga jirto kaalin
muq leh geedi-socodka dimuqraadiyadda, adkaynta nabadgelyada, wacyigelinta bulshada iyo baadi-goobka aqoonsiga Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa, talooyinka iyo tilmaamaha aad ii soo jeediseen.

Ugu dambayn, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad dedaalka laban laabtaan, isla markaana aad gacan weyn ka geysataan sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi.

Markii kulankaasi soo afmeerayna waxa saxaafadda la hadlay xubno ka mida ururada bulshada iyo afhayeenka madaxtooyada JSL.

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.