KULMIYE Oo Hargeysa Tababbar Uga Furay Tababbareyaasha Muraaqibiinta Xisbiga Ee Gobollada Iyo Degmooyinka Dalka “Waxaynu doonaynaa inaynu Lixdaa Maalmood ee inoo hadhay ku dhalino guusha wixii aynu intaas oo sannadood soo wadnay..”Cabdicasiis Samaale

Hargeysa (Waaheen) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa Shalay Magaalada Hargeysa Tababbar uga furay Aqoonyahan Tababbari doona Muraaqibiinta Xisbigaasi goob-joogga uga ahaan doona Goobaha Dadweynuhu Codkooda ka dhiiban doonaan.

Furitaankii Tababbarkan ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Cabdikariin Axmed Muxumed (Xinif) oo ka mid ah Guddiga Soo Xulista Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo faahfaahin ka bixiyey Ujeeddada Tababbarkan ayaa yidhi “Maalinta aynu Dalka oo dhan ka fulinayno Tababbarku waa Arbacada, waxaana Tababbarkaa la siinayo Muraaqibiinteenna bixinaysa Hay’adda Akadamiyadda, markay iyagu dhameeyaan ayaa Xisbigeennu uu isku hadhi doonaa, waxaynuna gudan doonaa hawsha aynu halkan u fadhino.”

Samaale waxa kale oo uu sheegay “Waxa inoo hadhay Lix Maalmood oo adag, waxaynu doonaynaa inaynu Lixdaa Maalmood ku dhalino guusha wixii aynu intaas oo sannadood soo wadnay Haddii Alle yidhaahdo, markaa barbarkay ka baqdaa waa Bakayle qaleen.” Ayuu yidhi.

Xubin ka mid ah Guddiga soo Xulista Muraaqibiinta KULMIYE oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in in Tababarkan loo furay 33 Xubnood oo laga soo xulay Gobollada Dalka, si ay u sii Tababbaraan 1,642 Muraaqib oo Xisbiga KULMIYE u diyaariyey inay goob-joog ka noqdaan Goobaha Codka Doorashada laga dhiibanayo.

33-ka Xubnood ayaa marka Tababarkoodu dhamaado, waxay u safrayaan Gobollada Dalka, si ay u sii Tababbaraan Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobollada Dalka ku kala sugan.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.