Gefafka Afsoomaaliga qoriddiisa ka dhasha (shirka SOLJA ee sanadgurada)

Horumarinta Afsoomaaligu waa kobcinta fikirkeenna. Gefafku, haddii aan la sixin, waa madmadaw ku dhasha hadalkeenna  iyo qoraalkeenna ba. Waxa loo baahan yahay tifatirehaga (editor’s mamual). Halkan waxa ku lifaaqan, sida aan u arko, gefaf qoraal oo aan kula kulmay wargeysyada ka soo baxa Hargeysa , u na qaybsan toddoba qaybood  iyo shan iyo toban nooc.  Gefafka ka dhasha hadal iyo qoraal ayaa ugu badan tusaha (the table) ku lifaaqan qoraalkan. Kuwo isugu jira Afingiriisi iyo Afsoomaali ayaa ugu yaraa markii aan hawshan waday. In isbeddel ku yimid hadda ayaa laga yaabaa.

Waxa aan idinka codsanayaa in aydin ka soo talo bixisaan, igu na soo celisaan.  Kulan aynu u dhannahay na, waa aydin inoo qaban kartaan. Mahadsanidin

GEFAFKA AFSOOMAALIGA, QORAAL  AHAAN: kala badnidooda

    Qaybta

 Gefka

Saxa

I.                    ASTAAMAYN

   1. Hadal iyo Qoraal

Waxay

waxa ay

   2. Qorid

erey, kaw, kow

erei, kau, kou

   3. Calaamad, sumad

ishabeeya, buddhig. Goan, suaal, isueegid iwm

is-habeeya, bud-dhig, go’an, su’aal, isu-eegid.

II.                  NAXWE

   4. Isa saamayn: shaqal

wax + kii, ku, uu

wixii, wuxu, wuxuu

                                  Shibbane

arag + ka, -o

aragga, arko

   5. Lammaan

Af soomaali, Dhulka daaqsimeedka

Afsoomaaliga, dhuldaaqsimeedka

    6. Wadar

wakiilo, boggag

wakiillo, bogag

III.                HIGAADIN

    7. beddelid

qeybtan, deminta

qaybtan, daminta

    8. kordhin

horey, waxaa, gobolladda

hore, waxa, gobollada

IV.                LAHAJAD

     9. Ta loo badan yahay

 dibad, debad, debed,

Debed

     10. Taad ku hadasho

badh, bar (nus)

Badh

V.                  XARAF WEYN

      11. Magac gaar

cali, hargeysa, iwm

Cali, Hargeysa

      12. Bilawga erei kasta

Maanta ayaa yimid?

Maanta Ayaa Yimid? (elektaroonig)

      13. Bilawga weedha

wiilka ayaa hadlaya.

Wiilka ayaa hadlaya.

VI.      XAASUUB/KAMBJYUUR

      14. Guud

eek u, magic

ee ku, magic

VII.               AFQALAAD

      15. Ingiriisi

English-ka, school-ka

Ingiriisiga/Afingiriisi, dugsiga

Filed in: Articles, Videos

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.