DIB LOOGU CELIYO DADKII ISKA LAHAA 62-ka KAADHADHKA COD-BIXINTA EE BOOLISKU AY QABTEEN SI AY U CODEEYAAN”.

KU: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA JSL

KU: TALISKA BOOLISKA JSL

OG: SAXAAFADDA MADAXA BANAAN EE JSL

UJEEDDO:- BAAQ HIIL-SHARCI oo ah

“IN DIB LOOGU CELIYO DADKII ISKA LAHAA 62-ka KAADHADHKA

COD-BIXINTA EE BOOLISKU AY QABTEEN SI AY U CODEEYAAN”.

Shalay oo Taarikhdu ahayd 06/11/2017 waxa KDQ iyo madaxda Booliska JSL ay Warbaahinta Dalkan ku baahiyeen in la qab-qabtay Dad ku kacay Fal-Sharcidaro ah oo lid ku ah Xuquuqda Muwaadiniinta iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka kuwaas oo siday sheegeen Dadweynaha danyarta ka urursaday Kaadhadhkii Cod-bixinta iyagoo ka faa’iideysanaya duruufah baahiyeed ee ku xeeran kaadhadhkaasna ku bedelanayey Biyo iyo Raashin.

Haddaba, Anigoo Garyaqaan Maxamed Xasan Sicid isla markaana u mahad naqaya madaxda Booliska ee soo qabqabtay dadka urursaday kaadhadhkaas ayaa si aanay u lumin Xuquuqda-Dastuuriga ah ee XAQA COD-BIXINTA (the Right to Vote) ee Muwaadiniintaas Dadnyarta ahi ay leeyihiin ayaa waxaan Masuuliyiinta KDQ iyo madaxda Booliskaba aan ugu baaqayaa kulana Taliyanaa si aanay u lumen xuquuqda Cod-bixin ee dadkaas inay dhakhso u qaadaan qaadaan arrimahan:

1) In Kaadhadhkaas Cod-bixinta KDQ iyo Boolisku ay si dhakhso ah (without Delay) dib loogu Celiyo Dadkii danyarta ahaa ee iska lahaa Kaadhadhkaas, si ay uga qayb galaan Cod-bixinta Doorashada;

2) In Masuuliyiinta KDQ iyo madaxda Boolisku oo wadajira ay Dadkaas danyarta ah kala hadlaan Warbaahinta Taleefishanada iyo Saxaafadda oo ay usheegaan inay soo doontaan Kaadhadhkoodii, cidii aan awoodin imaanshana ay goobtooda ugu geeyaan oo gacanta ka geliyaan Kaadhadhkooda;

FIIRO-GAARA(NB): Haddii KDQ iyo BOOLISKU ay Kaadhadhkaas dib ugu celinwaayaan Dadkii danyarta ahaa ee iska lahaa kaadhadhkaas, waxaa u sheegayaa in KDQ iyo madaxda BOOLISKUBA ay la mid yihiin lana dembi yihiin dadka sifaha Sharcidarada ah ku haysta/Urursada Kaadhadh Cod–bixin Cid kale leedahay oo uu Qabanayo Qod. 67aad Xeer Lr. 20/2001 iyo Qodobada XCG ee la xidhiidha dembiyada Xil Masuuliyadeed lagu galo.

By: TABLII-SHARCI Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid

 

 

Filed in: Articles, Videos

You might like:

Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada + Magacyadooda
Daawo: Khudbadii uu Daahir Riyaale Kaahin ka Jeediyey Xilwareejintii Madaxtooyada
Daawo: “Xilka Qaranka Waa loo kala Saraynayaa balse Sharcigaa Saraynaya” Muuse Biixi
Daawo: Nuxurka Khudbadii u dambaysay ee Madaxweyne Siilaanyo
Cali Khaliif Galaydh oo Sheegay in Khaatumo Diyaar u tahay Somaliland lawada leeyahay
“Anigu Waligayba Waan Dhici Jiree Tani waxa ay ku Fiicnayd Cabdiraxmaan Ciro” Guddoomiyaha Ucid
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.