Bulshada Ceerigaabo Oo Dhoolatus Taageero Ku Qaabilay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Ballamaha Uu U Qaaday

0
188
Ceerigaabo(Waaheen) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ahna musharraxa Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ololaha doorashada kala qayb qaatay taageerayaashiisa gobolka Sanaag. Musharrax Cabdiraxmaan Cirro olole hadh iyo habeen ah kala qayb galay bulshada u riyaaqsan isbedelka uu hoggaaminayo. Musharraxa ayaa xilli hebeenimo ah degmada Huluul ee gobolka Sanaag iyo magaalada Laasdoomaare kaga qayb galay isu soo baxyo ay sameeyeen bulshada u heellan siyaasadda Waddani halkaas oo uu kala kulmay soo dhawayn iyo taageero laxaad leh.