SiyaasadaVideosWararka

Wasiir Iska Casiley Maanta Xukuumadda Kulmiye

Hargeysa (Waaheen) -Warar iyo xogo rasmi ah oo laga helay ilo  kala duwan, ayaa tibaaxay in Madaxtooyada Somaliland codsi u dirtay ay kaga dalbanayso Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha bulshada Md Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo isagu  shaaca ka qaaday maanta inuu iska casiley Xilkii uu ka hayey  inuu dib ugu soo noqday xayndaabka xukuumadda 7 cisho cimirigeedii ka hadheen, balse waxa la sheegay inuu ku gacan-saydhay dalabkaasi uga yimi Madaxtooyada.

Waxa kale oo  wararku intaa ku dareen in Madaxtooyadu ay xidhiidh toos ah oo khadka telefoonka la samaysay masuulka maanta iska casiley xilkii iyo xubinimadii Xisbiga KULMIYE, hase-yeeshee masuulkan ayaa ku adkaystay in aanu ka noqonay go’aankiisa  is casilaadiisa, waxaana la sheegay inuu wacad ku maray in aanu marnaba ka laabanay go’aankiisa  is casilaada.

Dhanka kalene Xukuumadda ayaa isku dayo kala duwan oo ay ku doonayso in ay kusoo lad-qabayso wasiiskaa iska casiley waxay ku dhammaadeen fashil, isagaoo Md Obsiiyey u sheegay in aanu dib ugu noqonay xukuumadda uu iska casiley iyo xisbigeeda KULMIYE .

Waaheen Media
the authorWaaheen Media