TACSI GUDDOOMIYE: XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE  05 November 2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Aw Daahir Xujaale oo ku geeriyooday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2017.

Marxuum Maxamed Aw Daahir Xujaale waxa uu ka mid ahaa aqoonyahankii macallimiinta ka ahaa dugsiyada muddo dheer ka hor ee waxbaray da’yar badan, markii dambena waxa uu degnaa dalka Sucuudiga oo uu waqti badan ku noolaa, isagoo kaalin muuqata kaga jiray qurba-joogga kaalmada iyo waxtarka si joogtada ah uga gaysanayey dalka iyo dadka Somaliland. Waxaannu Guddoomiyuhu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geerida marxuumka dhammaal qoysaska ilma Xujaale.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.