Musharaxa Kulmiye oo Hambalyo u diray ciidanka Booliiska Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay’adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa guud ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland xuska dabbaaldegga sannad-guurada 24-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ciidan bisil oo inta karaankooda ah u guta shaqadooda si wanaagsan, isla markaana si nabad ah shacabka reer Somaliland-na ugu seexdaan sugidda amnigooda.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku ammaanay ciidammada Booliska shaqada muhiimka ah ee ay qaranka ku hayaan, waxaannu ku dhiirrigeliyey inay sii libinlaabaan foojignaantooda iyo sugidda amniga waddanka marxaladda lagu jiro ee doorashooyinka, , isagoo shacabka Somaliland oo uu ku bogaadiyey siday gacanta u siiyaan ciidammada amniga ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqaynta Booliska.

Ugu dambayntii, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Taliyaha, saraakiisha, saraakiil

ku-xigeenka iyo dablayda ciidanka booliska iyaga iyo qoysaskooda uu Alle uga baryayaa inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, horumar iyo barwaaqo.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.