Hay’adda bisha cas ee Imaaraat-ka oo Somaliland ku caawisay qalab cusub oo Kelyaha Sifaynaya

Kuwii hore waxa la gayn doonaa goboladda, kuwa cusub-na waxa lagu rakibayaa cisbitaalka Guud ee Hargeysa

Hargeysa(Waaheen) Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ka ayaa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku wareejisay Qalab cusub oo ah Mishiinada kalyaha sifeeya, kuwaas oo ay Dawladda Imaaraat-ku ka hirgalin doonto shan Dal oo ay Somaliland ku jirto.

Masuuliyiinta hay’adda Bisha Cas ayaa maanta arrintaas kaga dhawaaqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay sheegeen Deeqdani inay wax weyn ka tari doonto baahida Kelya sifaynta ee Bukaanadda Somaliland.

Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ku waxa ay sheegtay Mishiinadan oo cusub isla markaana casri ah in lagu rakibi doono Cisbitaalka hargeysa, halka kuwii hore la gayn doono goboladda dalka, si ay wax uga taraan baahiyaha dadweynaha ka baxsan Caasimadda.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha cas ee Imaaraat-ku waxay Somaliland ugu Deeqday Raashin, Maacuun, Dhar iyo qalab kala duwan oo ay ugu talogaleen kow iyo toban kun oo Qoys, oo ah kuwii ku barakacay Abaarihii dhawaan ka dhacay Somaliland.

Deeqdan oo taala dekedda Berbera, ayaa maalmaha fooda inagu soo haysa loo qaybin doonaa dadka Barakacayaasha ah iyo dadka jilicdasan, waxaana qaybinta Deeqdan iska kaashan doona Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraat-ka iyo guddidii Abaaraha.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.