Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Nin Ku Eedaysnaa Inuu Been Abuur Sameeyey

Hargeysa(Waaheen):-Gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil ka hadlay xukun ay maxkamadu ku riday nin lagu eedeeyey inuu been abuur sameeyey.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil oo ka hadlaya xukunka ay maxkamadu soo saartay waxaanu yidhi “Maxkamada gobolka Maroodijeex/Hargeysa waxa la hor keenay dacwada ciqaabta ah ee sumadeedu tahay 1196/2017 taa soo uu eedaysane ka yahay CabdiqaadirGudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodijeex  ayaa sheegay inay maxkamadu xukun hal sano ah ku riday Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil kaas oo ku eedaysnaa inuu baraha bulshada ku faafiyey eedaymo ah in lacag laaluush ay ka qaaday maxkamada degmada Hargeysa gaar ahaan waaxda Ibraahin Koodbuur.

Maxamed Ismaaciil ( Ina Shamis Cabdilaahi oo 32 jir ah) kaas oo galiyey baraha ay bulshadu ku kulanto borobogaandho ka dhan ah maxkamada degmada Ibraahin Koodbuur kaas oo yidhi waxa layga qaaday lacag laaluush ah, markii dacwadaas la soo baadhay waxa la hor keenay maxkamada gobolka Maroodijeex, waxaanu sheegay eedaysanuhu inuu iska ciyaarayey ee wax lacag ah oo laga qaadanay aanay jirin oo aan ka ahayn 10$ oo ahaa garaacis looga qaaday xukun loo soo saaray oo ahaa dacwad madani ah, iyada oo sharcigu sheegayo in xukunada dacwadaha madaniga ahi marka ay soo baxaan waxa qofka dacwada loo xukumay laga qaadaa bog kasta 10,000 shilin, taas oo loo jaro juwan sharci ah balse wax jeebad ku dhaca iyo Zaad lagu shubto midna maaha.”

Gudoomiye Axmed Dalmar Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Markii loo akhriyey warqada eeda ee la yidhi waxaad garsoorka ka faafisay dacaayad been abuur ah waxa uu ku jawaabay waan qabaa dambigaa oo aniga ayaa galay dheel dheel ayaanay iga ahayd, maxkamaduna waxay ku xukuntay dambiile Cabdiqaadir Maxamed Ismaaciil oo loo yaqaano Janan Oogo halsano oo xeer ciqaabeed ah oo uga bilaabmaya maalintii xoriyada laga qaaday, kaas oo aan xadhig iib lahayn.”

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.