Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Afrika Oo Lagu Qabtay Dalkiisa

Jabuuti(Waaheen):-Madaxweynaha dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleoo ay wehelinayaan raysal wasaaraha iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradiisa ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayey maalinta dhalinyarada Afrika oo lagu qabtay guriga Umada ee magaalada Jabuuti.

Dhalinyarada wadanka Jabuuti ayaa munaasibadan ku soo bandhigay xirfadaha kala duwan ee ay u leeyihiin dhinaca ciyaaraha, iyada oo madaxweyne Geelle uu la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada isla markaana uu wakhti la qaatay dhalinyarada xuska ka qayb galayey.

Wasiirka ciyaaraha dalka Jabuuti Xasan Maxamed Kaamil oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo bandhigay qorshaha ay xukuumada jabuuti ka leedahay arimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha loogu tala galay.


style=”font-size:16px;”>Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka dareen celiyey waxyaabaha uu la kulmay waxaanu yidhi  “Maanta waxaynu halkan ku aragnay wax wanaagsan, iyada oo fariimaha ka soo baxaya labadii saacadood ee aynu halkan fadhinay ay yihiin kuwo aniga I  dhiiri gelinaya oo I siinaya inaan idhaahdo wadadii toosnayd ayaad ku socotaa maxaa yeelay qarankii iyo dalkii ayaan ahay” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Suldaanka Guud ee Beelaha ARAB oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay
Hambalyada Dunida ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland iyo Warbixinnaha Warbaahinta Caalamka ee Natiijadii Doorashada
Daawo: Boqorada Iyo Salaadiinta Gabiley Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Loo Doortay
Daaowo: Gudigii Ololaha Gobolka Gabiley Ee Kulmiye Oo Hambalyo u Diray M. Muuse Biixi
Daawo: Hadalkii u Horeeyey Ee Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyo u diray Madaxweyanah Cusub ee la doortay
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.