“Xisbiga Cayda badsadaa waa Xisbiga dhacaya, Dadkuna Waxay U Codaynayaan KULMIYE oo Hadal Wanaagsan ku Tartamaya”

0
95

“Ciyaartuna Gabo-Gabiyo Waxay Joogtaa Gamtii, Halkay Ku Gudhaysay Tallo, Gafkana Xeer Baa Ka Yaal, Ninkii Ku Kacaa Xad-Gudub Wuxuu Galayaa Ofsaydh (Offside), Alloow Garinsii Nin Moog”Cabdicasiis M. Samaale

Hargeysa (Waaheen) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Xilligana ka mid ah Masuuliyiinta Miisaanka leh ee Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa shalay dadweynaha reer Hargeysa khudbad dheer uga jeediyey fagaaraha beerta xorriyadda.

Cabdicasiis Samaale oo ay Wehelinayeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Axmed Muumin Seed, ayaa Socod dheer iyagu markiii hore ka soo bilaabey xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa, kuwaas iyagoo lugaynay gaadhey beerta xorriyadda caasimadda oo ay ku sugnaayeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaanu markaa ka dib Mr. Samaale uu mid mid u salaamay taageerayaasha KULMIYE, isagoo sidoo kalena mid mid ugu dhiiri-geliyey inay sii kordhiyaan taageeradooda KULMIYE, si KULMIYE uu doorashada ugu guuleysto doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhacaysa 13-ka bishan November, 2017-ka.

Cabdicasiis Samaale oo markaasi ka dib, fagaaraha beerta xorriyadda ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku ladhay gabayga gurmad ee abwaan Gaarriye, ayaa yidhi “Waxaanu doonaynaa in KULMIYE mar kale guuleysto, Xisbiyada kalena waxaanu leenahay Tartan baa inagga dhexeeya ee is-caayi mayno, isna ceebayn mayno, kii soo baxaana waa kii kale..”

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo u duur-xulaya Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa sheegay in Xisbiga Cayda badsadaa dhacayo, “KULMIYE Hadal wanaagsan ayuu ku tartamayaa, Walaaleyaal Xisbiga Cayda badsadaa waa Xisbiga dhacaya, Xisbiga KULMIYE waa Xisbi Guuleysanaya”. Waxaanu intaasi raaciyey isagoo farriin toos ah u diraya siyaasiyiinta xilalka ka soo qabtay xukuumadda ee xisbiyada mucaaradka ah dhexdooda ka soo caytama, kaas oo ugu soo halqabsaday gabayo uu lahaa Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), waxaanu yidhi “Gunbaa haan laga unkaa, duqbaa geel loo tumaa, gawbaan baan ka aqaan durbaan, waxaa geed lala kacaa gankaad tahay eray la da’a ah, gaftana bashar baad u tahee, hadaad ka garawdo khalad gob-bay  tahay caadadeed, golxoo dhami maaha dhalan, marbay gad kaleeto tahay, dabnahoo ku gariira iyo gangadda waxa keenta been’. Marka la tartamayo ee qof wayn oo masuul ahaan jiray uu cay ummadda horteeda intuu isa soo taago uu cay uun bilaabo oo aad mararka qaarkood arkayso inuu marganayo markaa caydaas uu ku marganayaa wax loo baahan yahay maaha, Waayo? cidna in la caayo maaha, cod-baad doonaysaa sow maaha? qofka codka bixinayaa waa xor oo sanduuq ayuu codkiisa ku ridayaa maalinta doorashada, oo cidna aanay arkayn ee ay isaga iyo ILAAHAY tahay, Innaguna waxaynu ugu ridaynaa KULMIYE. Markale waxa uu yidhi marxuum Gaariye hadduu geeraar wax taro maxaan galin dhexe onkoday, maxaan goohay oo talamay, adoo gabalkaagu dumay maxaan gudcur baajiyoo u daaray cadceed gayiga, maxaan galab oogay shamac, halkay ku go’aysay talo, waa 13-ka November saw maaha dadwaynoow, waxa kale oo uu yidhi marxuum Gaariye ciyaartuna gabo-gabiyo waxay joogtaa gamtii, halkay ku gudhaysay tallo, gafkana xeer baa ka yaal, ninkii ku kacaa xad-gudub wuxuu galayaa ofsaydh (offside), Alloow garinsii nin moog”.